• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Bulshada

Xoogaga Macawisleyda oo Door Weyn ka Qaadanaya Hawlgalka Gobolka Hiiraan

Abdirahman Dahir by Abdirahman Dahir
2 years ago
Reading Time: 3 mins read
Xoogaga Macawisleyda
Share

Wararka24: Xoogaga Macawisleyda ayaa si weyn uga qayb qaadanaya hawlgalka ka socda Gobolka Hiiraan, iyagoo wadajir ka dagaalama maleeshiyada Al Shabaab. Tani waxay la mid tahay wejigii koowaad ee hawlgalkii hore, oo lagu qabsaday deegaanada bariga gobolkaasi.

Xoogaga Macawisleyda

Wejiga labaad ee hawlgalka, oo laba toddobaad ka hor bilowday, ayaa Xoogaga Macawisleyda iyo Ciidanka Xoogga Dalka uu ku guuleystay inay isku furaan waddada u dhexeysa Degmada Halgan iyo Beera-yabaal. Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in waddadaasi ay hadda ammaan tahay, iyadoo Al Shabaab laga fogeeyay.

Dowladda Federaalka ayaa dhawaan dib u bilowday mushaaraadkii iyo gunnooyinkii la siinayay Xoogaga Macawisleyda,

iyadoo ay muhiim u yihiin hawlgalka dib-u-xoreynta dalka. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage, iyo Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), ayaa mar kale ku dhiirrigeliyay Xoogaga Macawisleyda inay sii wadaan la dagaalanka Al Shabaab.

Taliska Militariga ayaa siiyay Xoogaga Macawisleyda hub iyo qalab cusub, iyadoo la ogaaday inay muhiim u yihiin sidii looga hortagi lahaa isku dhacyada beelaha ee deegaanada Hirshabelle. Hadafka weyn waa in lagaga hortago in Macawiisleyda ay ku dhex milmaan dagaalada beeleedyada, halkaas oo looga faa’iideysanayo hawlgalka dib-u-xoreynta.

Xoogaga Macawisleyda ee Gobolada Shabellaha Dhexe, Galgaduud, iyo Mudug ayaa hadda loo dhameystirayaa qalabka ay u baahan yihiin, iyagoo qayb ka noqonaya hawlgalada la damacsan yahay in goboladaasi ay dib uga bilowdaan.

Ciidanka Difaaca Shacabka, oo ka kooban Xoogaga Macawiisleyda,

waa ciidan deegaanka ah oo geed geed u garanaya dhulka la doonayo in Al Shabaab laga saaro. Tani waxay muujinaysaa sida ay ugu wanaagsan tahay in ciidamada iyo shacabku wadajir ugu dagaalamaan Al Shabaab.

Faallooyinka dadka qalinka adeegsada ayaa muujinaya in marka Macawiisleyda la abaabulo ay hawlgalku aad uga wanaagsan yahay, gaar ahaan marka ciidamada oo keliya ay dagaal gelayaan.

Awooddii Al Shabaab ee bartamaha dalka ayaa si weyn loo wiiqay sanadkii 2023, inkastoo hawlgalku uu hakaday sanadkii 2024, sababo la xiriira Villa Somalia oo ka sii jeedsatay ololihii militari. Shabaabka oo ka faa’iideystay hakadka ayaa dib ugu soo laabtay deegaanada qaar ee Gobolada Dhexe.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hadda wada qaabeynta iyo qorsheynta istiraatiijiyadda ay tahay in lagu soo gacan geliyo dhulka maqan, iyadoo Macawiisleyda ay kaalin muhiim ah ka qaadanayaan hawlgalada mustaqbalka.

Wararka24


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.