
Madaxweynahii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa si isku mid ah uga hadlay weerarka maleeshiyada Al-Shabaab ku qaadeen Hotel Qaahira ee magaalada Beledweyne.
Shariif Sheekh Axmed: “Al-Shabaab waa cadow baneystay dhiigga shacabka”
Madaxweynihii hore, Shariif Sheekh Axmed, ayaa dhankiisa sheegay in Al-Shabaab ay yihiin cadow baneystay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed, bartilmaameedsadana dadka aan waxba galabsan ayuu kuyiri qoral oo uu soo dhigay bartiisa facebook.
“Argagixisadu waa cadow baneystay daadinta dhiigga shacabkeenna Muslimka ah, iyagoo beegsada birmageydada iyo dadka aan waxba galabsan. Falkani wuxuu tusaale cad u yahay in argagixisadu aysan xurmo u hayn dhiigga shacabka Muslimka ah, xilligan oo lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadan,” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.
Wuxuu sidoo kale ugu baaqay madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad goboleedyada, iyo shacabka Soomaaliyeed in ay midnimo muujiyaan si loo ciribtiro kooxaha argagixisada ah.

“Ugu dambayn, waxaan ugu baaqayaa madaxda dowladda federaalka ah, kuwa dowlad goboleedyada iyo shacabka Soomaaliyeed in aan xooggeenna isugu gayno ciribtirka kooxaha argagixisada ah iyo in aan ka feejignaanno dhagartooda.”
Al-Shabaab Oo Weli ka dhex dagaalamaya hotel qaahira baledweyne?
Al-Shabaab ayaa marar badan weerarro ka fulisay Beledweyne, iyagoo si gaar ah u beegsada cid kasta oo taageersan dowladnimada soomalia ama ka hor timaada fikirka ay ku dhisan yihiin. Weerarkan ayaa qeyb ka ah weerarro xiriir ah oo kooxdaasi ka fulisay gudaha dalka bishilaso dhaafay.
📌 Wararka24 – Xog rasmi ah & Faahfaahin degdeg ah