• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Caalamka

Sacuudiga oo sheegay inuu qaadi karo tallaabo militari oo ka dhan ah Iran

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
6 months ago
Reading Time: 3 mins read
Sacuudiga oo sheegay inuu qaadi karo tallaabo militari oo ka dhan ah Iran
Share

Wararka24: Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay inay xaq u leedahay inay qaaddo tallaabo militari oo ka dhan ah Iiraan, kadib weerarro gantaallo ah oo lagu beegsaday magaalada Riyadh, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi.

Wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga Amiir Faisal bin Farhan ayaa sheegay in kalsoonidii u dhexeysay Riyadh iyo Tehran ay gebi ahaanba burburtay, isaga oo Iiraan ku eedeeyay inay si ula kac ah u waddo falal colaadeed oo ka dhan ah dalalka deriska ah.

Hadalka wasiirka ayaa yimid kadib kulan ay Riyadh ku yeesheen diblomaasiyiin ka socday dalal badan oo gobolka ah, kuwaas oo ka wada hadlayay xaaladda amni ee sii xumaaneysa iyo xiisadda taagan.

Dhanka kale, Iiraan ayaa ku eedeysay Israa’iil inay weerartay xarumo ku yaalla goobta gaaska laga soo saaro ee South Pars, taasoo sare u qaaday xiisadda dagaalka ka socda gobolka.

Wararka ayaa sheegaya in qiimaha shidaalka uu sare u kacay, iyadoo Iiraan ay ballanqaadday inay beegsan doonto kaabayaasha tamarta ee dalalka Khaliijka, islamarkaana ay gantaallo ku garaacday meelo ka mid ah Sacuudi Carabiya iyo Qatar.

Intii uu socday kulanka Riyadh, waxaa la arkayay nidaamyada difaaca hawada oo ka hortagaya gantaallo, xilli ay halkaasi ku sugnaayeen wasiirro arrimo dibadeed oo ka kala socday dalal dhowr ah oo gobolka ah.

Xiisadda u dhexeysa Iiraan iyo xulafada Mareykanka iyo Israa’iil ayaa gashay toddobaadkeedii saddexaad, iyadoo aan weli muuqan wax hoos u dhac ah, taasoo saameyn ku yeelatay amniga gobolka iyo sahayda tamarta caalamka.

DAAWA


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.