• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Caalamka

Israa’iil oo Mareykanka u sheegtay in gantaallada difaaca ay gabaabsi ku dhow yihiin

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
6 months ago
Reading Time: 2 mins read
Israa’iil oo Mareykanka u sheegtay in gantaallada difaaca ay gabaabsi ku dhow yihiin
Share

Wararka24: Israa’iil ayaa toddobaadkan dowladda Mareykanka ku wargelisay in kaydkeeda gantaallada difaaca cirka ee riddada dheer uu ku dhow yahay gabaabsi, xilli uu sii xoogeysanayo dagaalka kala dhexeeya Iiraan, sida ay saraakiil Mareykan ah u sheegeen warbaahinta.

Wararka ayaa tilmaamaya in Israa’iil ay dagaalkan gashay iyadoo markii horeba ay hoos u dhaceen gantaallada difaaca ee ay haysatay, kadib isticmaal badan oo ka dhacay dagaalladii hore ee ay la gashay Iiraan.

Sidoo kale waxaa la sheegay in weerarada joogtada ah ee gantaallada Iiraan, oo qaarkood wata madaxyada qarxa ee badan, ay culays saareen nidaamyada difaaca cirka ee Israa’iil.

Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil Gideon Sa’ar ayaa beeniyay wararka sheegaya in dalkiisa uu wajahayo gabaabsi dhanka gantaallada difaaca ah.

Saraakiil Mareykan ah ayaa sheegay in Washington ay hore u ogeyd hoos u dhaca kaydka difaaca ee Israa’iil, balse ay xuseen in Mareykanka laftiisu uusan hadda wajahayn gabaabsi la mid ah.

Dhinaca kale, Pentagon-ka ayaa sheegay inuu kordhinayo wax-soo-saarka nidaamyada difaaca gantaallada, halka Aqalka Cad uu sheegay in kaydka hubka ee Mareykanka uu ku filan yahay fulinta hawlgallada milatari ee hadda socda.

Dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Iiraan ayaa weli sii socda, iyadoo labada dhinac ay muujinayaan inay diyaar u yihiin dagaal sii socon kara muddo dheer.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.