• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Hoggaamiyaha Iiraan Mojtaba Khamenei oo Diiday Dalab Diblomaasiyadeed

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
6 months ago
Reading Time: 2 mins read
Hoggaamiyaha Iiraan Mojtaba Khamenei oo Diiday Dalab Diblomaasiyadeed
Share

Wararka24: Hoggaamiyaha cusub ee Iiraan, Aayatullaahi Mojtaba Khamenei, ayaa diiday soo-jeedino lagu yareynayo xiisadda gobolka, kuwaas oo ay u soo gudbiyeen laba dal oo dhex-dhexaadiyeyaal ah, isagoo ku adkeystay in marka hore la qasbo Mareykanka iyo Israa’iil si ay “jilbaha dhulka ugu dhigaan,” sida ay xaqiijiyeen sarkaal sare oo Iiraani ah.

Mojtaba Khamenei ayaa yeeshay fadhigiisii ugu horreeyay ee arrimaha dibadda tan iyo markii loo magacaabay hoggaamiyaha sare ee dalka, wuxuuna qaatay mowqif adag oo ka dhan ah Mareykanka iyo Israa’iil.

Sarkaalka, oo codsaday inaan magaciisa la shaacin, ayaa sheegay in jawaabta Khamenei ay caddeyneyso inuusan waqtigii nabadda ah soo gaarin ilaa cadowga qirto jabkooda oo bixiyo magdhow buuxa.

Dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ay ku qaaday Iiraan ayaa galay toddobaadkiisii saddexaad, iyadoo ugu yaraan 2,000 qof ay ku dhinteen, halka Marinka istaraatiijiga ah ee Hormuz uu weli u xiran yahay.

Xaalada ayaa kasii dartay ka dib markii xulafada Mareykanka ay iska diideen codsiga Madaxweyne Donald Trump ee ahaa in ay ka qeyb qaataan dib-u-furidda marin-biyoodkan, taasoo abuuraysa cadaadis dhaqaale iyo sicir-barar suuqyada tamarta.

Fariinta ugu horreysa ee Khamenei tan iyo markii la doortay ayaa lagu akhriyay telefishinka dowladda, waxaana hoggaamiyaha cusub ku adkeystay in xirnaanta Marinka Hormuz loo adeegsan doono aalad cadaadis oo lagula tacaalayo cadowga Iiraan.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.