Wararka24: 31-01-2026:Madaxtooyada Puntland ayaa muujisay walaac culus oo ku aaddan tallaabooyin ay ku eedeysay Villa Soomaaliya, kuwaas oo ay sheegtay in lagu beegsanayo burburinta iyo carqaladeynta deegaannada Puntland inta ka harsan muddada xil-haynta Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, oo ka hadlayay kulan ka dhacay magaalada Garoowe, ayaa ugu baaqay madaxda iyo shacabka Puntland in ay muujiyaan feejignaan iyo adkeysi dheeraad ah. Wuxuu sheegay in Villa Soomaaliya ay juhdi xooggan gelinayso faragelin iyo dhibaato ku wajahan Puntland.
“Xasan Sheekh 110-ka habeen ee u hartay wuxuu ka shaqaynayaa inuu burburiyo. Marka waxaan u baahanahay inaan is difaacno. Weliba ogaada, sannadkii dhawaa dagaalkii Daacish ayaan ku mashquulnay, sannadkanna xoog baan u soo jeednaa,” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Puntland.
Dhanka kale, Lugatoor ayaa ka hadlay isbeddello la xiriira maamulka Puntland, isagoo sheegay in masuuliyiinta aan xilalkooda u gudan si habboon la beddeli karo, balse uusan jirin cid si qabiil ama si gaar ah loo beegsanayo. “Qofkii shaqaynaya wax loo taabtaa ma jirto, cidna reer looma saari doono. Laakiin qofkii aan shaqaynayn maxaa diidaya in mid ka karti badan la keeno,” ayuu yiri.
Hadalka Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa kusoo aadaya xilli ay Puntland sheegtay in siyaasiyiin ay ku eedeysay inay xiriir la leeyihiin dowladda federaalka ay soo gaareen magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso. Sidoo kale, Puntland ayaa sheegtay in lacago ka yimid dowladda federaalka ay gaareen ciidamo ku sugan deegaannada Puntland, kuwaas oo horay uga tirsanaa ciidamada Puntland balse hadda ku biiray dowladda federaalka.
Puntland waxay dhawaan shaacisay in ay jiraan 1,376 askari oo dowladda federaalka mushaar siiso, kuwaas oo, sida ay sheegtay, loogu talagalay carqaladeynta amniga Puntland. Hadalkan waxaa horay u sheegay la-taliyaha arrimaha amniga ee Madaxweynaha Puntland, Cabdi Xirsi Cali (Qarjab).
Dhanka kale, Dalladda Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Puntland (PUNSAA) ayaa beenisay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka, kaas oo lagu sheegay in bulshada rayidka ah ee Puntland lagala tashaday wax ka beddelka dastuurka. PUNSAA ayaa caddeysay in aysan ka qayb-gelin wax ka beddelka cutubyadii hore ee Dastuurka KMG ah, isla markaana ay weli ku taagan tahay mowqifkeedii ay soo saartay 30-kii Maarso 2024, kaas oo diidanaa habka loo maray dib-u-eegista dastuurka.


















