Warbixin ay daabactay wargeyska caanka ah The New York Times ayaa lagu sheegay in dukumiintiyo cusub oo la helay ay ku jireen email qabyo ah oo uu qoray Jeffrey Epstein, kaas oo uu ku xusay Arimo xasaasi ah oo la xiriira Bill Gates.
Email- lada ayaa qabyo ah, Epstein ayaa ku andacooday in xiriirkii uu la lahaa Gates uu ku lug lahaa arrimo shakhsi ah Sida in gabdho Russian ah loo diyaariyo, iyo in loosii habeeyo kaniinada dareenka raga sida lagu heegay wargeyska.
Taas oo aan waafaqsanayn Sharciga, isaga oo sheegay inuu dhowr jeer U fududeeyay kulammo iyo arrimo kale oo anshax ahaan aan aad u wanaagsaneyn.
The New York Times ayaa xustay in email-kan uu yahay mid qabyo ah, isla markaana uusan ahayn caddeyn maxkamadeed ama mid si madax-bannaan loo xaqiijiyay, balse uu ka mid yahay dukumiintiyo lagu baarayo xiriirradii Epstein la lahaa shaqsiyaad caan ah.
Hay’adda Bill & Melinda Gates Foundation ayaa si degdeg ah uga jawaabtay warbixinta, iyada oo bayaan ay siisay The New York Times ku sheegtay in eedeymaha la xiriira arrimaha shakhsiyeed ee Gates ay yihiin kuwo aan sal lahayn.
Warbixintu waxay sidoo kale xustay in Bill Gates horey u qiray inuu Epstein la kulmay dhowr jeer sannado ka hor, balse uu si cad u beeniyay wax kasta oo sharci-darro ama anshax-xumo ah oo lagu eedeeyay.


















