• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

laba dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-Shabaab aya lagu qabtay Baar Sanguuni.

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
7 months ago
Reading Time: 2 mins read
laba dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-Shabaab aya lagu qabtay Baar Sanguuni.
Share

Wararka24: 31-01-2026:Ciidamada ammaanka Jubbaland ee ku sugan tuulada Baar Sanguuni ayaa galabtii Jimcaha gacanta ku dhigay laba dagaalyahan oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo isku soo dhiibay ciidamada kadib markii ay ka goosteen kooxdodi.

Labada nin ee la qabtay ayaa lagu kala magacaabaa Axmed Mustafa Aadan iyo Ismaaciil Aadan Ibraahim, kuwaas oo hore uga tirsanaa Al-Shabaab, kuna sugnaa agagaarka jiinka Wabiga Jubba, halkaas oo ay muddo ku dhuumaaleysanayeen.

Saraakiisha ammaanka ee deegaanka ayaa xaqiijiyay in labada dagaalyahan ay wateen hub, oo mid kamid ah uu ahaa qori BKM, halka kan kalena uu watay qori AK-47 ah iyo booshkiisa, sida ay sheegeen ilo amni.

Dhanka kale, wararka ayaa tilmaamaya in maalmahan dambe ay sii kordhayaan xubnaha Al-Shabaab ee isku soo dhiibaya ciidamada Jubbaland, taas oo saraakiishu ku macneeyeen cadaadis sii kordhaya oo lagu hayo kooxda iyo hoos u dhac ku yimid awooddeeda dagaal ee gobolka.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa iyadoo todobaadyadii lasoo dhaafay ay ciidamada Kumaandooska Danab ee Dowladda Federaalka iyo kuwa Jubbaland kordhiyeen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, gaar ahaan deegaannada ku teedsan Wabiga Jubba.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.