• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

DF oo ka oo fashilisay abaabul ay Al-Shabaab ka wadeen laba gobol

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
7 months ago
Reading Time: 2 mins read
DF oo ka oo fashilisay abaabul ay Al-Shabaab ka wadeen laba gobol
Share

Wararka24: 1-02-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgallo qorsheysan oo ka dhacay gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe lagu fashiliyay abaabul ay Al-Shabaab ka wadeen laba gobol, isla markaana lagu gaarsiiyay jab culus.

Howlgalladan ayaa la sheegay in ay iska kaashadeen Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo saaxiibada caalamiga ah.

Warsaxaafadeed kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in in ka badan 40 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay howlgalladaasi. Qoraalka ayaa xusay in ciidamada ay beegsadeen maleeshiyaad abaabul iyo dhaqdhaqaaqyo dagaal ka waday deegaanno ka tirsan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Howlgal ka dhacay aagga Waab-weyn iyo isgoyska Madaxyo-weyn ee hoostaga degmada Maxaas ayaa lagu sheegay in lagu dilay 17 xubnood, laguna burburiyay goobo ay ku sugnaayeen.

Sidoo kale, howlgal kale oo ka dhacay howdka deegaanka Buulo-naagey ayaa lagu sheegay in lagu soo afjaray 23 xubnood oo lagu tuhmay inay qorsheynayeen falal amni darro.

NISA ayaa sheegtay in ay sii xoojin doonto dadaallada lagula dagaallamayo Al-Shabaab, iyadoo ku boorrisay shacabka inay la wadaagaan macluumaad kasta oo la xiriira amniga.

Maalmihii u dambeeyay, dowladda iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa kordhiyay howlgallada ka dhanka ah kooxda, iyadoo dhowaan howlgal ka dhacay Saakow lagu sheegay in lagu dilay hoggaamiye sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Ilaa hadda, ma jiro war ka soo baxay Al-Shabaab oo ku saabsan sheegashada dowladda ee khasaaraha la gaarsiiyay.


Share

Recommended

Dowladda Federaalka

Wararka24: Dowladda Federaalka oo baaritaan ku billowday weerarkii Hotel Qaahira ee Beledweyne Kadib Shaki dhashay + Sawiro

1 year ago
Dagaalka Iiraan iyo Mareykanka oo mar kale dib u qarxi kara

Dagaalka Iiraan iyo Mareykanka oo mar kale dib u qarxi kara

4 months ago
Mareykanka oo xilka ka qaaday taliyihii ciidamada dhulka

Mareykanka oo xilka ka qaaday taliyihii ciidamada dhulka

5 months ago
Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Talyaaniga + sawiro

Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Talyaaniga + sawiro

2 months ago
Soomaaliya iyo Somaliland

Wadahadalladii DF Soomaaliya iyo Somaliland oo dib ufurmay! Maxa cusub?

1 year ago
Kiis la yaab leh oo ku saabsan saraakiil CIA ah oo lagu dilay Mexico

Kiis la yaab leh oo ku saabsan saraakiil CIA ah oo lagu dilay Mexico

5 months ago
Daawo: Odayaasha Hawiye oo ka jawaabay hadalkii Garaad Jaamac Garaad Cali

Daawo: Odayaasha Hawiye oo ka jawaabay hadalkii Garaad Jaamac Garaad Cali

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.