Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan Sheekh ka damacsan yahay deegaannadeeda.

31-01-2026:Madaxtooyada Puntland ayaa muujisay walaac culus oo ku aaddan tallaabooyin ay ku eedeysay Villa Soomaaliya, kuwaas oo ay sheegtay in lagu beegsanayo burburinta iyo carqaladeynta deegaannada Puntland inta ka harsan muddada xil-haynta Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
January 31, 2026, 10:52 am EAT
Reading Time: 3 mins read
Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan Sheekh ka damacsan yahay deegaannadeeda.
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.


Wararka24: 31-01-2026
:Madaxtooyada Puntland ayaa muujisay walaac culus oo ku aaddan tallaabooyin ay ku eedeysay Villa Soomaaliya, kuwaas oo ay sheegtay in lagu beegsanayo burburinta iyo carqaladeynta deegaannada Puntland inta ka harsan muddada xil-haynta Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, oo ka hadlayay kulan ka dhacay magaalada Garoowe, ayaa ugu baaqay madaxda iyo shacabka Puntland in ay muujiyaan feejignaan iyo adkeysi dheeraad ah. Wuxuu sheegay in Villa Soomaaliya ay juhdi xooggan gelinayso faragelin iyo dhibaato ku wajahan Puntland.

“Xasan Sheekh 110-ka habeen ee u hartay wuxuu ka shaqaynayaa inuu burburiyo. Marka waxaan u baahanahay inaan is difaacno. Weliba ogaada, sannadkii dhawaa dagaalkii Daacish ayaan ku mashquulnay, sannadkanna xoog baan u soo jeednaa,” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Puntland.

Dhanka kale, Lugatoor ayaa ka hadlay isbeddello la xiriira maamulka Puntland, isagoo sheegay in masuuliyiinta aan xilalkooda u gudan si habboon la beddeli karo, balse uusan jirin cid si qabiil ama si gaar ah loo beegsanayo. “Qofkii shaqaynaya wax loo taabtaa ma jirto, cidna reer looma saari doono. Laakiin qofkii aan shaqaynayn maxaa diidaya in mid ka karti badan la keeno,” ayuu yiri.

Hadalka Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa kusoo aadaya xilli ay Puntland sheegtay in siyaasiyiin ay ku eedeysay inay xiriir la leeyihiin dowladda federaalka ay soo gaareen magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso. Sidoo kale, Puntland ayaa sheegtay in lacago ka yimid dowladda federaalka ay gaareen ciidamo ku sugan deegaannada Puntland, kuwaas oo horay uga tirsanaa ciidamada Puntland balse hadda ku biiray dowladda federaalka.

Puntland waxay dhawaan shaacisay in ay jiraan 1,376 askari oo dowladda federaalka mushaar siiso, kuwaas oo, sida ay sheegtay, loogu talagalay carqaladeynta amniga Puntland. Hadalkan waxaa horay u sheegay la-taliyaha arrimaha amniga ee Madaxweynaha Puntland, Cabdi Xirsi Cali (Qarjab).

Dhanka kale, Dalladda Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Puntland (PUNSAA) ayaa beenisay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka, kaas oo lagu sheegay in bulshada rayidka ah ee Puntland lagala tashaday wax ka beddelka dastuurka. PUNSAA ayaa caddeysay in aysan ka qayb-gelin wax ka beddelka cutubyadii hore ee Dastuurka KMG ah, isla markaana ay weli ku taagan tahay mowqifkeedii ay soo saartay 30-kii Maarso 2024, kaas oo diidanaa habka loo maray dib-u-eegista dastuurka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

2 hours ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

2 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

3 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

3 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

3 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

3 hours ago
Madaxweyne Ruto ee Kenya iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, sawirro kala duwan

Madaxweyne Ruto oo Moscow u ambabaxay, iyo la kulanka Putin

3 hours ago
AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

23 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.