Wararka24: 28-01-2026:Nin aya gacanta lagu dhigay kadib markii uu walax aan la garanayn ku buufiyay Xildhibaanad Ilhaan Cumar, xilli ay khudbad ka jeedineysay shir (town hall) oo ka dhacayay magaalada Minneapolis, Talaadadii.
muuqaal si toos ah loo baahiyay oo muujina dacdada, ninka ayaa istaagay isagoo ku qeyliyay Ilhaan Cumar, oo markaas ku sugneyd madasha, islamarkaana ku baaqeysay in Xoghayaha Amniga Gudaha Mareykanka Kristi Noem ay is-casisho ama xilka laga qaado, kadib dhacdooyinkii rasaasta ee ka dhacay Minneapolis. Ninka ayaa kadib walax ku buufiyay, ka hor inta aan si degdeg ah loo qaban.
Dadkii shirka joogay ayaa sacab tumay xilli gacmaha ninka dhabarka looga xirayay, iyadoo ammaanka goobta uu si degdeg ah u farageliyay.
Ilhaan Cumar ayaa sii waday shirka kadib dhacdadaas, iyadoo sheegtay in aysan ka cabsaneyn falalka noocaas ah.
“Dadka sida ninkan u dhaqma ma fahmaan in Minnesota ay tahay gobol adkeysi leh, aanna sii ahaan doonno kuwo adkeysi muujiyo wax kasta oo nala yelo,” ayay tiri Ilhaan Cumar kadib dhacdada.
Waxay sidoo kale arintan ugu hadashay qoraal ay ku baahisay baraha bulshada(X), iyadoo tiri: “Waan fiicanahay. Anigu waan badbaaday, qof yar oo qas-wade ahna igama hor istaagi karo shaqadayda. Ma oggoli in cabsi gelintu guuleysato. Aad ayaan ugu mahadcelinayaa shacabka i garab istaagay. Minnesota waa mid adkeysi leh.”
Xafiiskeeda ayaa xaqiijiyay in xildhibaanaddu aysan wax dhaawac ah soo gaarin, isla markaana ay sii waday shirka si ay u muujiso in aysan u hoggaansamin hanjabaad iyo cabsi gelin.
Booliiska Minneapolis ayaa sheegay in ninka falka geystay la xiray, islamarkaana lagu magacaabo Anthony Kazmierczak, oo 55 jir ah. Booliiska ayaa intaas ku daray in ninka uu isticmaalay sirinji uu ku buufiyay wax aan weli la aqoonsan.
Sida uu sheegay afhayeen u hadlay booliiska Minneapolis,Ninka aya lagu xiray xabsiga Hennepin County, iyadoo baaritaanno dheeraad ah lagu hayo waxa u adeegsaday.
Dhanka kale, Booliiska Baarlamaanka Mareykanka (Capitol Police) ayaa dhacdada ku tilmaamay mid aan la aqbali karin, iyagoo ballanqaaday in si degdeg ah sharciga loo marsiin doono eedeysanaha.
Dhacdadan ayaa ku soo beegmeysa xilli uu Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump marar badan weerarro hadal ah ku qaaday Ilhaan Cumar, gaar ahaan arrimo la xiriira Minnesota iyo eedeymo siyaasadeed oo ay si joogto ah u beenisay xildhibaanaddu.


















