Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Xiisadda Baarlamaanka oo Kasii Dartay, Cabsi Laga Qabo Fowdo dacda Maanta.

28-01-2026:Xiisad siyaasadeed oo sii xoogeysaneysa ayaa ka taagan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib muran culus oo ka dhashay sii wadista wax ka beddelka Dastuurka, iyadoo xildhibaannada iyo guddiyada qaabilsan arrimaha dastuurka ay si weyn arrintan ugu kala qeybsameen.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
January 28, 2026, 10:30 am EAT
Reading Time: 3 mins read
Xiisadda Baarlamaanka oo Kasii Dartay, Cabsi Laga Qabo Fowdo dacda Maanta.
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: 28-01-2026:Xiisad siyaasadeed oo sii xoogeysaneysa ayaa ka taagan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib muran culus oo ka dhashay sii wadista wax ka beddelka Dastuurka, iyadoo xildhibaannada iyo guddiyada qaabilsan arrimaha dastuurka ay si weyn arrintan ugu kala qeybsameen.

Xiisaddan ayaa soo ifbaxday kaddib markii guddiyada Dastuurka ay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), u gudbiyeen cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee wax ka beddelka Dastuurka, si loo furo dood loona ansixiyo, tallaabadaas oo ay si adag uga horyimaadeen xildhibaano badan.

Xildhibaannada diidan arrintan ayaa ku doodaya in Kalfadhiga Golaha Shacabka uu dhammaaday, isla markaana xeer-hoosaadka Baarlamaanka uusan ogolaanayn in sharci cusub la keeno marxaladdan. Waxay sheegeen in Golaha la xirayo ay tahay mid waafaqsan sharciga.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, oo ka mid ah mudanayaasha sida adag uga soo horjeeda wax ka beddelka Dastuurka, ayaa sheegay in sharci ahaan aan waxba la keeni karin xilligan, isaga oo digniin u diray guddoomiyaha Golaha.

“Kalfadhigeenna berri oo kaliya ayaa ka harsan, lama keeni karo sharci. Aadan Madoobe wuu yaqaannaa xeer-hoosaadka, aktigiisana ayuu yaallaa, ha fiiriyo,” ayuu yiri Jeesow.

Wuxuu intaas ku daray: “Dastuurka ay maanta ilaa habeen hore isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh la cararayaan xaq uma laha inay keenaan, caalamkuna ha ogaado wixii dhaca masuuliyaddiisa isaga ayaa qaadaya.”

Dhanka kale, cabsi xooggan ayaa laga muujinayaa in fowdo ka dhacdo kulanka Golaha Shacabka ee maanta, kaddib hadallo xalay ay jeediyeen xildhibaanno sheegay in “gacmaha la isku tegi doono” haddii Dastuurka la hor keeno Golaha.

“Aadan Madoobe Alamtara ayuu soo dhaafay, balse berri gacmaha ayaan qabanaynaa, wixii dhacana isaga ayaa ka masuul ah,” ayuu yiri Xildhibaan Mahdi Qalato.

Xildhibaano kale ayaa sheegay in xilligan kala-guurka ah aan la aqbali karin in wax ka beddel lagu sameeyo Dastuurka, maadaama uu dhammaaday muddo-xileedka hay’adaha dowladda, oo uu ku jiro Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xiisaddan ayaa kusoo beegmeysa xilli la filayo in horraanta bisha soo socota ee Febraayo ay Muqdisho ka bilaabmaan wada-hadallo u dhexeeya Villa Somalia iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo ay ku mideysan yihiin mucaaradka, Jubbaland iyo Puntland, kuwaas oo diiradda saari doona khilaafka ka taagan hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka Dastuurka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

14 hours ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

14 hours ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

17 hours ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

17 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

17 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

17 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

18 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

18 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.