Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Dowladda Federaalka oo Faahfaahin Ka Bixisay Dilka Horjooge Cabdullaahi Wadaad.

28-01-2026:Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgal qorsheysan oo lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kaas oo laga fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
January 28, 2026, 10:00 am EAT
Reading Time: 2 mins read
Dowladda Federaalka oo Faahfaahin Ka Bixisay Dilka Horjooge Cabdullaahi Wadaad.
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: 28-01-2026:Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgal qorsheysan oo lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kaas oo laga fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in horjoogaha la dilay lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Xasan Cabdi Cosoble, oo loo yaqaanay Cabdullaahi Wadaad, isla markaana uu ahaa shaqsi muddo dheer dhibaato ku hayay amniga iyo xasilloonida shacabka Soomaaliyeed.

Howlgalka lagu khaarijiyay horjoogahan ayaa ka dhacay deegaanka Kuunya Baroow, waxaana fuliyay ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, sida uu sheegay wasiirku.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa tilmaamay in Cabdullaahi Wadaad uu tan iyo sanadkii 2017-kii kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa ururinta baadda, gaar ahaan gobolka Banaadir, isla markaana uu mas’uul ka ahaa falal amni darro oo badan.

“Horjoogahan wuxuu dhibaato weyn ku hayay ganacsatada, dilal badan ayuu ka dambeeyay, kuwo kalena cabsi darteed bay dalka uga qaxeen. Sidoo kale wuxuu ku lug lahaa qaraxyo lagu burburiyay goobo ganacsi oo ku yaalla Muqdisho,” ayuu yiri Wasiir Axmed Macallin Fiqi.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in labadii toddobaad ee la soo dhaafay kooxda Al-Shabaab lagu gaarsiiyay jab culus oo is daba joog ah, gaar ahaan deegaannada Ceel Dheer, Wargaadhi, Jabad Godane iyo Kudhaa, oo ka kala tirsan gobollada Galgaduud, Shabeellaha Dhexe iyo Jubbada Hoose.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay in ay sii wadi doonto howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, si loo xaqiijiyo amniga guud ee dalka loona yareeyo khatarta ay ku hayaan shacabka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

12 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

13 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

4 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.