Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Caalamka

Nin la qabtay kadib markii uu walax aan la garanayn ku buufiyay Ilhaan Cumar shir ka dhacay Minneapolis.

28-01-2026:Nin aya gacanta lagu dhigay kadib markii uu walax aan la garanayn ku buufiyay Xildhibaanad Ilhaan Cumar, xilli ay khudbad ka jeedineysay shir (town hall) oo ka dhacayay magaalada Minneapolis, Talaadadii.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
January 28, 2026, 11:07 am EAT
Reading Time: 3 mins read
ilhan
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: 28-01-2026:Nin aya gacanta lagu dhigay kadib markii uu walax aan la garanayn ku buufiyay Xildhibaanad Ilhaan Cumar, xilli ay khudbad ka jeedineysay shir (town hall) oo ka dhacayay magaalada Minneapolis, Talaadadii.

muuqaal si toos ah loo baahiyay oo muujina dacdada, ninka ayaa istaagay isagoo ku qeyliyay Ilhaan Cumar, oo markaas ku sugneyd madasha, islamarkaana ku baaqeysay in Xoghayaha Amniga Gudaha Mareykanka Kristi Noem ay is-casisho ama xilka laga qaado, kadib dhacdooyinkii rasaasta ee ka dhacay Minneapolis. Ninka ayaa kadib walax ku buufiyay, ka hor inta aan si degdeg ah loo qaban.

Dadkii shirka joogay ayaa sacab tumay xilli gacmaha ninka dhabarka looga xirayay, iyadoo ammaanka goobta uu si degdeg ah u farageliyay.

Ilhaan Cumar ayaa sii waday shirka kadib dhacdadaas, iyadoo sheegtay in aysan ka cabsaneyn falalka noocaas ah.

“Dadka sida ninkan u dhaqma ma fahmaan in Minnesota ay tahay gobol adkeysi leh, aanna sii ahaan doonno kuwo adkeysi muujiyo wax kasta oo nala yelo,” ayay tiri Ilhaan Cumar kadib dhacdada.

Waxay sidoo kale arintan ugu hadashay qoraal ay ku baahisay baraha bulshada(X), iyadoo tiri: “Waan fiicanahay. Anigu waan badbaaday, qof yar oo qas-wade ahna igama hor istaagi karo shaqadayda. Ma oggoli in cabsi gelintu guuleysato. Aad ayaan ugu mahadcelinayaa shacabka i garab istaagay. Minnesota waa mid adkeysi leh.”

I’m ok. I’m a survivor so this small agitator isn’t going to intimidate me from doing my work.

I don’t let bullies win.

Grateful to my incredible constituents who rallied behind me. Minnesota strong.

— Ilhan Omar (@IlhanMN) January 28, 2026

Xafiiskeeda ayaa xaqiijiyay in xildhibaanaddu aysan wax dhaawac ah soo gaarin, isla markaana ay sii waday shirka si ay u muujiso in aysan u hoggaansamin hanjabaad iyo cabsi gelin.

Booliiska Minneapolis ayaa sheegay in ninka falka geystay la xiray, islamarkaana lagu magacaabo Anthony Kazmierczak, oo 55 jir ah. Booliiska ayaa intaas ku daray in ninka uu isticmaalay sirinji uu ku buufiyay wax aan weli la aqoonsan.

Sida uu sheegay afhayeen u hadlay booliiska Minneapolis,Ninka aya lagu xiray xabsiga Hennepin County, iyadoo baaritaanno dheeraad ah lagu hayo waxa u adeegsaday.

Dhanka kale, Booliiska Baarlamaanka Mareykanka (Capitol Police) ayaa dhacdada ku tilmaamay mid aan la aqbali karin, iyagoo ballanqaaday in si degdeg ah sharciga loo marsiin doono eedeysanaha.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmeysa xilli uu Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump marar badan weerarro hadal ah ku qaaday Ilhaan Cumar, gaar ahaan arrimo la xiriira Minnesota iyo eedeymo siyaasadeed oo ay si joogto ah u beenisay xildhibaanaddu.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

14 hours ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

14 hours ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

17 hours ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

17 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

17 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

17 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

18 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

18 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.