Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Shirkii 27-aad ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika oo markii ugu horreysay Muqdisho lagu qabtay.

29-01-2026:Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Imaan Cige, ayaa shir-guddoomiyay kulanka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika, kaas oo markii ugu horreysay lagu qabtay magaalada Muqdisho, xilli ay Soomaaliya hayso Guddoonka Madashan.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
January 29, 2026, 10:17 am EAT
Reading Time: 2 mins read
Geeska Afrika
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: 29-01-2026:Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Imaan Cige, ayaa shir-guddoomiyay kulanka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika, kaas oo markii ugu horreysay lagu qabtay magaalada Muqdisho, xilli ay Soomaaliya hayso Guddoonka Madashan.

Kulanka ayaa waxaa si rasmi ah uga qeyb-galay Wasiirrada Maaliyadda dalalka Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya iyo Koonfur Suudaan, halka dalalka Suudaan iyo Kenya ay si fogaan-arag ah uga soo qeybgaleen. Sidoo kale, waxaa goobjoog ahaa wakiillo ka socday hay’ado caalami ah oo ay ka mid yihiin Bangiga Adduunka, Bangiga Horumarinta Afrika, Midowga Yurub, IGAD, UK iyo Jarmalka.

Shirka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray horumarinta ganacsiga tamarta gobolka, oo loo arko tiir muhiim u ah is-dhexgalka dhaqaalaha dalalka Geeska Afrika, xoojinta iskaashiga gobolka, iyo gaarista koboc dhaqaale oo waara.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige, oo ahaa shir-guddoomiyaha kulanka, ayaa sheegay in doodaha ugu waaweyn ay ku saabsanaayeen sidii loo heli lahaa tamar (koronto) jaban oo ay awoodi karaan shacabka gobolka, iyo sidii loo heli lahaa maalgelin lagu horumariyo mashaariicda tamarta ee dalalka xubnaha ka ah Madasha.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay si rasmi ah u soo xiray kulanka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay Wasiirrada iyo wufuudda ka socotay dalalka xubnaha ka ah doorka ay ka qaadanayaan xoojinta iskaashiga dhaqaale, is-dhaafsiga waayo-aragnimada iyo horumarinta xasilloonida dhaqaale ee gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in martigelinta shirkan heer gobol ah ay muujinayso soo kabashada Soomaaliya iyo kalsoonida sii kordheysa ee beesha caalamku ku qabo dalka, isaga oo xusay in hoggaaminta Madashan ay Soomaaliya u tahay fursad muhiim ah oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta gobolka laguna hormarinayo danaha wadajirka ah ee dalalka Geeska Afrika.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

13 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

13 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

4 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.