• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, May 9, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Axmed Madoobe Dhiig itobiyaan ah aya ku jira, Safiir Itoobiyan ah ayaa sida yidhi..

Amran Mahad by Amran Mahad
1 year ago
Reading Time: 4 mins read
Axmed Madoobe

Wararka Ugu Aqrintabadan

Mucaaradka oo isku abaabulay degmooyinka Muqdisho ka hor banaanbaxa berri

Mucaaradka oo isku abaabulay degmooyinka Muqdisho ka hor banaanbaxa berri

3 hours ago
Farmaajo oo dowladda iyo hay’adaha amniga uga digay caburinta shacabka

Farmaajo oo dowladda iyo hay’adaha amniga uga digay caburinta shacabka

3 hours ago
Load More
Share

Axmed Madoobe

Safiirkii hore ee Itoobiya u fadhiyey Muqdisho, Ambassador Wondimu Asamnew, ayaa kamid noqday mas’uuliyiinta Itoobiyaanka ah ee warbaahintu wareysatay, isagoo si xiiso leh uga hadlay marxaladihii uu soo maray Axmed Madoobe ka hor intii uusan noqon Madaxweynaha Jubaland.

“Dhiig badan oo Itoobiyaan ah ayaa lagu shubay. Waxaan kuu sheegayaa inuu dhiig Itoobiyaan leeyahay,” ayuu si kaftan leh u yiri safiirkii Itoobiya u joogay Soomaaliya.

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), oo muddo 12 sano ah ahaa Madaxweynaha Jubaland, ayaa kamid ahaa hoggaamiyeyaashii Maxkamadaha Islaamka. Ciidamada Itoobiya ayaa dhaawacay, waxaana lagu soo daweeyay magaalada Addis Ababa.

Sida uu sheegay Ambassador Wondimu Asamnew, Axmed Madoobe isagoo dhaawac ah ayaa ciidamada Itoobiya qabteen 19 sano kahor markii ay soo galeen Soomaaliya. Xilligaas wuxuu kamid ahaa madaxda Al-Shabaab, waxaana raadinayey dalalka Itoobiya iyo Mareykanka.

Mareykanka ayaa ku daray liiska dadka la raadinayo, isagoo dhaawac ka soo gaaray duqeyn diyaaradeed oo Mareykanku qaaday. Ciidamada Itoobiya ee howlgalka waday ayaa sheegay in aysan ujeedkoodu ahayn dilkiisa, balse ay doonayeen inay qabtaan isagoo nool, sida uu BBC-da u sheegay Kornayl Gebre Egziabher Alemseged, oo hoggaaminayay howlgalka lagu qabtay Axmed Madoobe.

Taariikhda Axmed Madoobe iyo xiriirkiisa Itoobiya

Axmed Madoobe wuxuu ahaa taliye ka horyimid ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya soo galay si ay u taageeraan dowladdii Kumeel-gaarka ahayd. Taliskii Raas-Kambooni oo Axmed hoggaaminayey waxaa markii hore sameeyay ururkii Al-Itixaad, balse Maxkamadihii Islaamka ayaa ka dhigay garab militari.

MD Axmed ma ahayn oo keliya mas’uul sare oo ka tirsan Al-Shabaab, balse wuxuu mar ahaa qofka labaad ee ugu sarreeya. Wuxuu sannadihii 1980-aadkii ku biiray ururka Al-Itixaad oo ahaa ururkii dhalay Al-Shabaab.

Sannadkii 2006 ayay ahayd markii Maxkamadaha Islaamka ay qabsadeen Muqdisho, koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Qaar kamid ah xubnaha maxkamadaha ayaa doonayay inay sameeyaan garab mintid ah, iyagoo aaminsanaa in Maxkamadaha aysan dhab ka ahayn jihaad, taas ayaana dhalisay Al-Shabaab.

Axmed Madoobe ayaa loo doortay hoggaamiye ku-xigeenka ururka Al-Shabaab.

Qabashada Axmed Madobe iyo dhaawaca

Kornayl Gebre Egziabher Alemseged waa sarkaalkii markii Axmed Madobe dhaawaca ahaa la qabtay diyaarad ku geeyay Addis Ababa. “Axmed Madoobe waxay ciidamada Itoobiya u jabiyeen hab qalbi-jab ah,” ayuu yiri kornayl Gebre.

Kornaylka ayaa sheegay in Axmed Madobe uu dagaalka hoggaaminayay laga soo billaabo Jubooyinka ilaa Baydhabo. “Waxaa nalagu amray inaan qabanno oo aannaan dilin,” ayuu yiri kornayl Gebre Egziabher.

Wuxuu intaa ku daray, “waxaan ku dadaalnay inaan qabanno isagoo nool, wuxuuna dagaallamay ilaa uu dhaawacmay.”

Ugu dambeyn, Axmed Madoobe sideed xabadood ayaa haleelay, isagoo si halis ah loogu dhaawacay magaalada Bardaale ee gobolka Bay, waxaana la qabtay isagoo dhaawac halis ah qaba.

Axmed Madobe oo muddo labo sano ah joogay Addis Ababa ayaa lagu daaweeyay isbitaalka ciidamada Itoobiya. “Dhiig Itoobiyaan ah ayaa lagu shubay, dadaal weyn ayaana lagu badbaadiyay,” ayuu yiri Ambassador Wondimu isagoo dhoollacadeynaya.

Ambassador Wondimu ayaa sheegay in Axmed Madoobe ku hadli karo luqadda Axmaariga, inkastoo ay ku adagtahay. Warbaahinta ayaa sheegtay in Axmed Madoobe xirnaa, balse kornaylka iyo safiirka ayaa beeniyay arrintaas.

“Ujeedkeenu wuxuu ahaa inaan ka dhignno saaxiib, ee kuma xalineyn Soomaaliya xarig,” ayuu yiri safiirka.

Axmed Madoobe ayaa guursaday haweeney Itoobiyaan ah intuu Addis joogay, isagoo halkaas cunug loogu dhalay. Ujeedka Itoobiya waxay ahayd in la beddelo fikirkiisa, kana horjeesto Al-Shabaab, ayuu yiri Kornayl Gebre.

Axmed ayaa kulamo joogto ah la yeelan jiray Meles Zenawi, wasiirkiisa arrimaha dibadda Seyoum Mesfin, iyo wasiirkii caafimaadka Tedros Adhanom.

“Waxaa naga go’nayd in fakarka xagjirnimada laga saaro, Axmedna waa aqbalay,” ayuu yiri kornaylku.

Axmed Madoobe ayaa markaas kadib saaxiib dhow la noqday Itoobiya iyo Kenya, iyadoo labada dal ay taageereen inuu Madaxweynaha Jubaland noqdo.

Ambassador Wondimu ayaa sheegay in xiriirka Axmed Madoobe iyo Itoobiya uu ahaa mid labada dhinac dani ugu jirto. Xiriirkaas ayaa sii xoogaystay markii uu Itoobiya Ra’iisul wasaare ka noqday Abiy Axmed.

📌 Wararka24 – Xog rasmi ah oo faahfaahin degdeg ah


Share
Tags: Jubbalandwararka mantawararka somalia
Previous Post

Daraawiishta Puntland: Dagaal culus oo ka dhacay buuraleyda Xabley oo Kadan ah Daacish

Next Post

Madaxweynaha Soomaaliya oo Moqokori kulmo la qaatay Saraakiisha Ciidamada + Sawiro

Related Posts

Mucaaradka oo isku abaabulay degmooyinka Muqdisho ka hor banaanbaxa berri

Mucaaradka oo isku abaabulay degmooyinka Muqdisho ka hor banaanbaxa berri

by Amin Cali Abdi
3 hours ago

Wararka24: Siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa la sheegay inay isku kala qaybiyeen degmooyin kala duwan oo ka tirsan magaalada...

Farmaajo oo dowladda iyo hay’adaha amniga uga digay caburinta shacabka

Farmaajo oo dowladda iyo hay’adaha amniga uga digay caburinta shacabka

by Amin Cali Abdi
3 hours ago

Wararka24: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa war saxaafadeed uu soo saaray uga hadlay xarigga dhalinyaro...

Muungaab oo adkeeyay amniga caasimadda iyo hakinta hawlaha dhulka

Muungaab oo adkeeyay amniga caasimadda iyo hakinta hawlaha dhulka

by Amin Cali Abdi
3 hours ago

Wararka24: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa shir guddoomiyay loogana hadlay...

DAAWO: Mucaaradka oo war cusub kasoo saaray banaanbaxa berri ku qabanayaan Muqdisho

DAAWO: Mucaaradka oo war cusub kasoo saaray banaanbaxa berri ku qabanayaan Muqdisho

by Amin Cali Abdi
4 hours ago

Wararka24: Siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa war cusub kasoo saaray dibadbaxa ay qorsheynayaan inuu berri ka dhaco magaalada Muqdisho,...

Xasan Sheekh oo gaaray Jabuuti si uu uga qeyb galo caleemo-saarka Ismail Omar Geelle

Xasan Sheekh oo gaaray Jabuuti si uu uga qeyb galo caleemo-saarka Ismail Omar Geelle

by Amin Cali Abdi
7 hours ago

Wararka24: Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Djibouti City, halkaas...

Baarlamaanka Turkiga oo Soomaaliya u ansixiyay deeq $30 milyan ah

Baarlamaanka Turkiga oo Soomaaliya u ansixiyay deeq $30 milyan ah

by Amin Cali Abdi
8 hours ago

Wararka24: Baarlamaanka dalka Turkiga ayaa si rasmi ah u ansixiyay heshiis deeq taageero ah oo la siinayo dowladda...

Load More
Next Post
Madaxweynaha

Madaxweynaha Soomaaliya oo Moqokori kulmo la qaatay Saraakiisha Ciidamada + Sawiro

Gobalka Shabellaha Hoose

Shabellaha Hoose, Waxa manta qarax lagu dilay Taliye Jareere iyo Wararkii ugu Dambeeyay Manta

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan gaar ah la qaatay wafdi sare oo ka socday Imaaraadka Carabta

Recommended

Putin

Erdogan oo Putin ula Hadlay Dagaalka Israel iyo Iran

11 months ago
Sacuudiga oo u oggolaaday Mareykanka saldhig cusub oo militari

Sacuudiga oo u oggolaaday Mareykanka saldhig cusub oo militari

2 months ago
Kenya

Kenya oo Diiday Qorshahe weyn oo ay Somaliland wadatay + Sababta

12 months ago
Mareykanka

Mareykanka oo Muujiyey Walaac Ku Saabsan Madaxweyne Xasan Sheekh

12 months ago
DF Soomaaliya oo saraakiil sare u dirtay Baraawe si loo xoojiyo amniga

DF Soomaaliya oo saraakiil sare u dirtay Baraawe si loo xoojiyo amniga

2 months ago
Maxamed Cali Ameeriko

Danjire Maxamed Cali Ameeriko oo lo magacaabay xilweyn + sababta?

9 months ago
NISA

NISA oo Burburisay Buundo Istiraatiiji ah oo Al-Shabaab Dhistay + Xog cusub?

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.