Wararka24: 4-02-2026:Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in ay leedahay damac dhaqaale iyo aragti ku saleysan xoojinta amniga Soomaaliya, iyadoo sheegtay in hawlgallada milatari ee ay ka wado dalka ay kaalin ka qaadan karaan furitaanka fursado dhaqaale iyo soo jiidashada maalgashi caalami ah, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM).
Ku-xigeenka taliyaha AFRICOM, John Brennan, ayaa sheegay in amni darradu ay weli tahay caqabadda ugu weyn ee ka hor istaagta in shacabka Soomaaliyeed ay ka faa’iideystaan kheyraadka dabiiciga ah iyo fursadaha ganacsi ee dalka yaalla. Wuxuu xusay in cadaadiska joogtada ah ee lagu hayo kooxaha hubeysan, oo ay ku jiraan faracyada Daacish iyo Al-Shabaab, uu yareyn karo khataraha amni, isla markaana ballaarin karo fursadaha ganacsiga gaarka loo leeyahay.
“Kheyraad dabiici ah ayaa ceegaaga Soomaaliya, balse xaaladda amni darro awgeed, Soomaalidu kama aysan faa’iideysan,” ayuu yiri Brennan, isaga oo intaas ku daray in indhaha lagu hayo macdanta qaaliga ah iyo rajada laga qabo sahminta shidaalka badda. Wuxuu sidoo kale sheegay in Mareykanku bixiyo xogta sirdoonka iyo taageerada cirka, halka ciidamada Soomaaliyeed ay fuliyaan hawlgallada dhulka.
Mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka ayaa, sida uu sheegay, dadaal ugu jira in amniga la sugo si loogu gogol xaaro horumarinta dekedaha, waddooyinka, iyo abuurista shaqooyin rasmi ah. Si kastaba, falanqeeyayaasha dhaqaalaha ayaa ka digaya in horumar waara u baahan yahay sharciyo cad-cad, nidaamyo daah-furan oo qandaraasyada lagu bixiyo, iyo heshiisyo lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan qeybsiga dakhliga u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada.
Inkasta oo dowladda Soomaaliya ay ku dadaaleyso inay dalka u bandhigto fursado maalgashi, haddana weli waxaa taagan walaac la xiriira musuq-maasuq, awoodda hay’adaha dowladda, iyo khilaafaadka siyaasadeed ee saameeya kalsoonida maalgashadayaasha. Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa sheegay in horumarinta amniga ay abuuri karto dhaqdhaqaaq dhaqaale oo kaalin ka qaata xoojinta xasiloonida mustaqbalka fog.

















