Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Hay’adda NISA Aya baahisay howlgal lagu dilay 7 xubnood oo Shabaab ah oo kadacay….

4-02-2026 Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in ay xalay fulisay howlgal amni oo qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Qaahira ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasi oo lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab, sida lagu sheegay war-saxaafadeed…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
February 4, 2026, 11:13 am EAT
Reading Time: 2 mins read
Hay’adda NISA Aya baahisay howlgal lagu dilay 7 xubnood oo Shabaab ah oo kadacay….
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: 4-02-2026 Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in ay xalay fulisay howlgal amni oo qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Qaahira ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasi oo lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay hay’addu soo saartay.

NISA ayaa sheegtay in howlgalkaasi lagu dilay toddobo xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana la burburiyay goobo ay ku kaydsanaayeen hub iyo xarumo ay gabaad ka dhiganayeen dagaalyahannada. Hay’addu waxay intaas ku dartay in howlgalka lagu fuliyay iskaashi lala yeeshay saaxiibo caalami ah.

Howlgalkan ayaa, sida ay NISA sheegtay, daba socday howlgallo kale oo maalmo ka hor laga fuliyay deegaanka Maxaa Saciid ee isla gobolkaas, halkaas oo lagu beegsaday horjoogeyaal ka tirsan Al-Shabaab. Hay’addu waxay sheegtay in howlgalkaas lagu beegsaday xilli ay ku sugnaayeen guri ku yaalla deegaanka, islamarkaana lagu dilay shan horjooge, halka saddex kale ay soo gaareen dhaawacyo culus.

NISA ayaa ugu baaqday shacabka ku nool deegaannada ay Al-Shabaab ka taliyaan in ay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin kooxda, iyadoo sheegtay in goobahaasi ay yihiin bartilmaameedyo ay si joogto ah u beegsadaan Ciidamada Qaranka. Dhanka kale, Al-Shabaab ayaa sanadkii hore la sheegay in ay la wareegtay dhulal ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, arrintaas oo dib u dhac ku keentay howlgalladii ay dowladda horey uga fulisay gobolka.

war saxafadeed ay sosartay hayada NISA

Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

14 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

14 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

4 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.