• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Diyaaradaha dagaalka F-16 oo dhoolatus ciidan kasameeyay Muqdisho.

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
7 months ago
Reading Time: 2 mins read
Diyaaradaha dagaalka F-16 oo dhoolatus ciidan kasameeyay Muqdisho.
Share

Diyaaradaha dagaalka ee F-16 ayaa saaka sameeyay dhoolatus milatari oo ka dhacay magaalada Muqdisho, iyaga oo ku duulayay joog hoose, taas oo laga arkayay qeybo ka mid ah caasimadda.

Diyaaradahan casriga ah ayaa dhawaan Muqdisho keentay dowladda Turkiga, waxaana lagu arkayay iyagoo ay wehlinayaan diyaarado qumaatiga u kaca ah oo horey dalka loo keenay, kuwaas oo haatan ay ku shaqeeyaan Ciidamada Cirka Soomaaliya.

Dhoolatuskan ayaa waxaa qayb ka ahaa ciidamo Soomaaliyeed oo ka tirsan Cirka, kuwaas oo wada-shaqeyn dhow la leh saraakiil Turkiga ka socda, sida ay sheegeen ilo amni. Tallaabadan ayaa muujinaysa heerka wada-shaqeyn ee sii kordhaya ee dhinaca tababarka iyo hawl-gallada cirka.

Iskaashiga amni ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo Ankara ay Soomaaliya u soo dirtay saraakiil ka kala socda ciidamada Cirka, Badda iyo Lugta, kuwaas oo door ka qaadanaya xoojinta wada-shaqeynta milatari ee labada dal.

Sidoo kale, Turkiga ayaa xoojiyay joogitaankiisa milatari ee Soomaaliya, iyadoo maraakiib casri ah ay ku sugan yihiin biyaha dalka. Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in maraakiibtaasi ay ka qeyb qaadanayaan ilaalinta mashaariic la xiriira tamarta, xeryaha la dhisayo, iyo kaabayaasha istiraatiijiga ah.

Arrimahan ayaa lagu fasiray kuwo sii xoojinaya iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada ammaanka, tamarta iyo tiknoolajiyadda, xilli Ankara ay kordhinayso joogitaankeeda iyo doorkeeda gobolka.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.