• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, January 23, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Madaxweynaha Puntland DENI oo ku dhawaaqday wajiga saddexaad ee dagaalka ka dhanka ah Daacish

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
11 months ago
Reading Time: 3 mins read
Madaxweynaha Puntland
Share

Madaxweynaha Puntland
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni 28-ka Febraayo.

Wararka24: Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shaaciyay in la soo gaba-gabeeyay wejiga labaad ee dagaalka lagula jiro kooxda Daacish, loona gudbi doono wejiga saddexaad, kaas oo bilaabanaya 28-ka Febraayo.

Deni oo xalay khudbad u jeediyay shacabka Puntland ayaa sheegay in wejiga labaad lagu ciribtiray xarumo muhiim ah oo Daacish ay ku lahayd deegaanka Dhasaan, halkaas oo lagu tababari jiray dagaalyahannada kooxda iyo xubnaha fuliya weerarrada is-miidaaminta.

Madaxweynaha Dowladda #Puntland Mudane @HESaidADeni ayaa ku dhawaaqay in uu soo gaba-gaboobay wajigii 2-aad, isla markaana ku dhawaaqay in wajiga 3-aad uu bilaaban doono 28-ka Febraayo 2025. pic.twitter.com/jJxh7YUKWq

— Puntland State House (@Plstatehouse) February 27, 2025

“Xogaha la helay iyo warbixinnada la wadaagay dalalka nala shaqeeya waxay caddeeyeen in Dhasaan, Dhadaar iyo Shebaab ay ahaayeen xarumo muhiim u ah Daacish, laguna tababari jiray xubno falal argagixiso ka geysta meelo ka baxsan Soomaaliya,” ayuu yiri Deni.

Madaxweynaha Puntland Deni ayaa wuxuu intaas ku daray in xubno la tababaray ay weerarro ka geysteen Waqooyiga Ameerika, Yurub, Carabta iyo Aasiya, halka hoggaanka kooxda uu saldhig ka dhigtay aaggaas.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xusay in halista Daacish aysan ku koobnayn Puntland iyo Soomaaliya oo keliya, balse ay tahay mid caalami ah oo ka faa’iidaysatay firaaqada amni ee ka jirta gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan dagaallada Yemen iyo burburka amni ee ka jira dalal kale oo ay kooxdu uga gudbeyso dalalka kale.

“Xaaladda dalka iyo kuwa deriska ah, gaar ahaan dagaalka ka socda Yemen iyo dhibaatooyinka Geeska Afrika, waxay siiyeen fursad ay uga faa’iidaystaan marinada Badda Cas, Badweynta Hindiya iyo Badda Carabta,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Puntland ayaa la dagaalanka Daacish bilowday 4-tii Febraayo, kaddib markii wejiga koowaad lagu guuleystay bishii Janaayo. Ciidamada difaaca Puntland ayaa xilligan ku sugan meelihii ugu dambeysay ee Daacish ay kaga sugnaayeen Buuraleyda Calmiskaad.

Deni ayaa xusay in dagaalka lagu ciribtirayo Daacish uu sii socon doono ilaa laga suuliyo kooxdan, isagoo xusay in Puntland aysan ka helin taageero muuqata dowladda federaalka, inkastoo Villa Somalia ay bogaadisay hawlgalka.

Wararka Ugu Aqrinta Badan

  • Dowladda Soomaaliya Oo qirtay In Aan La Jarin Xiriirka Guud Ee Imaaraadka Carabta

    Dowladda Soomaaliya Oo qirtay In Aan La Jarin Xiriirka Guud Ee Imaaraadka Carabta

    ShareWararka24: 23-01-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in go’aankii ay dhowaan ku burisay heshiisyada difaaca iyo amniga ee kala dhaxeeyay Imaaraadka Carabta uusan micnaheedu ahayn in la jaray xiriirka guud ee labada dal. Wasiirka Warfaafinta…

    Sii Aqri


    January 23, 2026
  • Putin Oo kulan kula yeshay Moscow ergayada Mareykanka xili habeenimo damba ah.

    Putin Oo kulan kula yeshay Moscow ergayada Mareykanka xili habeenimo damba ah.

    ShareWararka24: 23-01-2026 Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa xalay kulan saacado qaatay xili habeenimo kula yeeshay Moscow, ergayal sare oo ka socday Mareykanka, kuwaas oo wadaay qorshe uu Mareykanku diyaariyay oo lagu doonayo in lagu soo…

    Sii Aqri


    January 23, 2026
  • Wilkie: Waxaan u maleynayaa putin kama tanaasuli doona arintaan ilaa uu ka dhinto

    Wilkie: Waxaan u maleynayaa putin kama tanaasuli doona arintaan ilaa uu ka dhinto

    ShareHaba yaraatee kalsooni kuma qabo in Putin uu ka tanaasuli doono qodobbo muhiim ah oo ku jira wadahadalladan, ayuu yiri Robert Wilkie, oo ahaa xoghayihii hore ee maamulka Trump. “Raja wanagsan kama qaba arrintan, waxaan…

    Sii Aqri


    January 23, 2026

Share
Tags: #daacish#Madaxweynaha Puntland Deni#somalia#Wararka manta#Wararka somalia#wararka24
Previous Post

Tirada Ciidamada, AUSSOM OO la Shaaciyey, itoobiya oo tiro kabadan MASAR Lasiiyey, + dalalkale

Next Post

Shabaab oo manta lagala wareegay magaalo muhiim u ahayd, + Gusha Ciidamada Dowlada?

Yasmin Jamal

Yasmin Jamal

Yasmiin waa qoraa si joogto ah Wararka24 uga qora wararka deg-dega ah ee marka tagan guud ahaan Soomaaliya iyo Geeska Afrika iyo caalamka.

Related Posts

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, OO Mooshin kadhan ah DF geeyay Baarlamanka,

by Abdirahman Dahir
March 1, 2025

Wararka24: Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, oo ay ku jiraan kuwa kasoo jeeda Jubbaland iyo xubno kale oo...

Ciidanka Puntland

DEGDEG: Ciidanka Puntland OO Xarun kale oo muhiim ah manta kala wareegtay Daac1sh

by Yasmin Jamal
March 1, 2025

Ciidanka Puntland ayaa Jimcihii si buuxda ula wareegay xaruntii ay kooxda Daacish ku lahayd Dhaban-qooxle, oo ka tirsan...

Ciidamada Dowlada

Shabaab oo manta lagala wareegay magaalo muhiim u ahayd, + Gusha Ciidamada Dowlada?

by Abdirahman Dahir
March 5, 2025

Ciidamada Dowlada, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo shacabka deegaanka ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay magaalada Bacaadweyne ee...

AUSSOM

Tirada Ciidamada, AUSSOM OO la Shaaciyey, itoobiya oo tiro kabadan MASAR Lasiiyey, + dalalkale

by Abdirahman Dahir
February 28, 2025

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa ugu dambeyn heshiis rasmi ah ka gaaray tirada iyo dalalka...

Load More
Next Post
Ciidamada Dowlada

Shabaab oo manta lagala wareegay magaalo muhiim u ahayd, + Gusha Ciidamada Dowlada?

Ciidanka Puntland

DEGDEG: Ciidanka Puntland OO Xarun kale oo muhiim ah manta kala wareegtay Daac1sh

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, OO Mooshin kadhan ah DF geeyay Baarlamanka,

Recommended

Japan oo kacabaneyso tirada dadka duqowda ah ee dalka kunool..

Japan oo kacabaneyso tirada dadka duqowda ah ee dalka kunool..

4 months ago
DG Puntland oo sheegtay

DG Puntland oo sheegtay in la Dilay in ka Badan 70 Nin oo Daacish ah

12 months ago
Eswatini oo 32 askari u soo dirtay howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya, Waa wadanka ugu HIV-ga badan aduunka?

Eswatini oo 32 askari u soo dirtay howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya, Waa wadanka ugu HIV-ga badan aduunka?

4 months ago
Xildhibaan Cabdiraxmaan

Xildhibaan Cabdiraxmaan: “Heshiiska Shidaalka Soomaaliya-Turki Waa Sharci-Darro!”

9 months ago
Puntland

Puntland oo Dagaal Cir iyo Dhul ah ku Qaadday Kooxda Daac1sh.

8 months ago
ruushka iyo Mareekanka ay

Mareykanka iyo Ruushka oo Marki ugu horeysay mudo 4 sano Ah Shir Uga Furmay Dalka Sacuudiga..

11 months ago
Dacwadii Saad Aljabri iyo Bin Salmaan oo gashay wajigii cusub..

Dacwadii Saad Aljabri iyo Bin Salmaan oo gashay wajigii cusub..

2 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.