
Ciidamada Dowlada, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo shacabka deegaanka ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay magaalada Bacaadweyne ee gobolka Mudug, kaddib dagaal ay la galeen Al-Shabaab.
Magaalada Bacaadweyne oo muddo badan gacanta ugu jirtay kooxda ayaa laga saaray kaddib markii ciidamada huwanta ah ay weerar culus ku qaadeen subaxnimadii hore ee saaka, taasoo keentay in dagaalyahannada Al-Shabaab ay isaga baxaan magaalada iyagoo awoodi waayay iska caabbinta ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.
Inkasta oo khasaaraha rasmiga ah aan weli la shaacin, haddana dagaalka ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac labada dhinacba, sida ay wararku sheegayaan.
Ciidamada Dowlada oo gacan ka helaya dadka deegaanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay dardargelinayay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyagoo xoreeyay deegaano muhiim ah oo ka tirsan gobollada dalka.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa sheegay in Al-Shabaab lagu gaarsiiyay jab xooggan intii uu socday howlgalkan. ayuu soo dhigay bogiisa facebook , iyo boga MoD Somalia X Loo yaqiin (twitter)
“Khawaarijta jab weyn ayaa ku dhacay 20-kii maalmood ee lasoo dhaafay, waxayna hadda ku jiraan marxaladdii ugu dambeysay. Geesiyaasha ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka waa mahadsan yihiin,” ayuu yiri Wasiir Jaamac
Ciidamada xooga dalka iyo macawiisleyda ayaa sidoo kale guulo la taaban karo ka gaaray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, halkaasoo lagu dilay horjoogayaal muhiim ah, qaar kalena gacanta lagu dhigay..
24tii bishaan febraayo dowlada gobaleedka galmudug ayaa ciidamo gurmad ah u dirtay Hirshabelle si Looga Caawiyo Dagaalka ka Dhanka ah Al-Shabaab,
Ciidamadan oo boqolaal ah, kuna hubeysan gaadiid dagaal, ayaa Axaddii lasoo dhaafay ka gudbay xuduudda Gobolka Galgaduud, iyagoo maray Degmooyinka Maxaas iyo Moqokori ee Gobolka Hiiraan. Masuuliyiinta degmooyinkan, siyaasiyiin iyo shacabka deegaanka ayaa si diirran u soo dhaweeyay.
20ki febraayo sido kale Ciidamada Dowlada oo Weerar ka Fuliyay Koonfurta Gobolka Mudug
Ciidamada Dowlada, oo garabsanaya Ciidanka Difaaca Shacabka ee lagu abaabulay Degmada Wisil, ayaa waaberigii hore ee maalintaas weerarku qaaday fariisimo ay maleeshiyada Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Bacaadweyne ee koonfurta gobalka mudug..
Wararka Ugu Aqrinta Badan
Cirro oo sheegay in aragtida Soomaaliweyn ay dagaal horseedi karto

ShareWararka24: Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in isku day kasta oo lagu doonayo in dhammaan dadka Soomaalida ah lagu mideeyo hal dal uu sababi karo khilaaf iyo dagaal, isaga oo ka hadlayay mustaqbalka Somaliland iyo xiriirka ay…
Puntland oo sheegtay inay soo furtay markab shidaal oo afduub loo geystay

ShareWararka24: Maamulka Puntland ayaa sheegay in ciidamadiisa ammaanka ay howlgal ku soo furteen markabka shidaalka ee SIBU 1, kaas oo kooxo burcad-badeed ah ay afduub ku haysteen xeebaha Puntland, iyadoo maamulka uu sheegay in markabka iyo shaqaalihii saarnaa la badbaadiyay.…
Cabsi laga qaba in Magaalooyin waa weyn ay Al-Shabaab u gacan galaan

ShareWararka24: Hay’adda International Crisis Group ayaa ka digtay in Soomaaliya ay wajihi karto dib-u-dhac amni, iyadoo Al-Shabaab ay fursad u heli karto inay dib ula wareegto qaar ka mid ah deegaannada ay dowladda hadda maamusho, xilli howlgalka Midowga Afrika uu…










