Wararka24: Ciidamada Xoogga Dalka, oo garabsanaya Ciidanka Difaaca Shacabka ee lagu abaabulay Degmada Wisil, ayaa waaberigii hore ee saaka weerar ku qaaday fariisimo ay maleeshiyada Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Bacaadweyne ee koonfurta Gobolka Mudug.

Ciidamada ayaa la sheegay in halkaasi ay dagaal kula galeen maleeshiyadaasi, ka dibna ay dib ugu laabteen barrihii ay ka soo dhaqaaqeen. Aweys Cabdullaahi Cali, oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada ee aagga Wisil, ayaa sheegay in ay heleen xog ku saabsan dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab ee deegaanka, isla markaana ay go’aansadeen inay weeraraan.
Sarkaalkan ayaa sheegay in illaa saddex goobood ay hawlgalka ka fuliyeen, oo uu ku kala sheegay Bacaadweyne, Shabellow, iyo Cammaara. “Jab xoogan oo aad u culus baa ka soo gaaray. Annagoo kaashanayna shacabka iyo sirdookeenna waxaan boqolkiiba boqol ku guuleysanay shaqadii aan u soconay,” ayuu yiri Aweys Cabdullaahi.
Aweys Cabdullaahi ayaa intaasi ku daray in hawlgalkoodu uu ahaa mid ay kaga hortagayeen dhibaato uu sheegay in Al-Shabaab ay la damacsanaayeen dadka deegaanka. Wuxuu sidoo kale xusay in ay hawlgalka ku beegsadeen dhowr kontorool oo Al-Shabaabku ay lacago sharci darro ah kaga qaadayeen gaadiidka.
Werarka ay Ciidamada Xoogga Dalka ku qaadeen Shababku ayaa hawlgalka ay ku dileen xubno ay ku jiraan rag madax ah, dibna ay magacyadooda ka soo sheegi doonaan.
Weerarkan ayaa imanaya, iyadoo deegaanada Galmudug iyo Hirshabelle uu dib uga bilowday hawlgalka Gobolada Dhexe lagaga sifeynayo maleeshiyada Al-Shabaab.
Cirro oo sheegay in aragtida Soomaaliweyn ay dagaal horseedi karto

ShareWararka24: Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in isku day kasta oo lagu doonayo in dhammaan dadka Soomaalida ah lagu mideeyo hal dal uu sababi karo khilaaf iyo dagaal, isaga oo ka hadlayay mustaqbalka Somaliland iyo xiriirka ay la leedahay Soomaaliya. Cirro ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu 24-kii Sebtembar 2026 magaalada New…
Puntland oo sheegtay inay soo furtay markab shidaal oo afduub loo geystay

ShareWararka24: Maamulka Puntland ayaa sheegay in ciidamadiisa ammaanka ay howlgal ku soo furteen markabka shidaalka ee SIBU 1, kaas oo kooxo burcad-badeed ah ay afduub ku haysteen xeebaha Puntland, iyadoo maamulka uu sheegay in markabka iyo shaqaalihii saarnaa la badbaadiyay. Puntland ayaa sheegtay in howlgalka lagu soo qabtay markabka uu dhacay kaddib iska horimaad dhexmaray…
Cabsi laga qaba in Magaalooyin waa weyn ay Al-Shabaab u gacan galaan

ShareWararka24: Hay’adda International Crisis Group ayaa ka digtay in Soomaaliya ay wajihi karto dib-u-dhac amni, iyadoo Al-Shabaab ay fursad u heli karto inay dib ula wareegto qaar ka mid ah deegaannada ay dowladda hadda maamusho, xilli howlgalka Midowga Afrika uu wajahayo isbeddel iyo hoos u dhac ku yimaada joogitaanka ciidamadiisa. Hay’addu waxay sheegtay in khatartu…









