Wararka24: 26-01-2026 Wararka laga helayo deegaannada ku yaalla xadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya ayaa sheegaya in dowladda Kenya ay saacadihii la soo dhaafay kenya ay xoojisay xadka ay la wadaagta somalia ciidamo dheeraad ah na la geeyay, si loo adkeeyo amniga loogana hortago weerarro ay Al-Shabaab ka fuliso gudaha Kenya iyo saldhigyada ciidanka ee u dhow xadka.
Saraakiisha amniga Kenya ayaa sheegay in cidamadoda la geliyay heegan sare, iyadoo la kordhiyay tirada askarta ka howlgasha waddooyinka muhiimka ah ee ay maraan gaadiidka isaga kala goosha labada dal. Waxaa sidoo kale la adkeeyay hubinta iyo baaritaannada amni ee ka socda jidadka isku xira deegaannada xuduudda, si looga hortago falal amni darro.
Tallaabadan ayaa timid kaddib kulan uu dhawaan Madaxweynaha Kenya la yeeshay saraakiisha sare ee ciidamada milatariga, sirdoonka iyo booliiska, halkaas oo diiradda lagu saaray adkeynta amniga guud iyo ka hortagga weerarro ay Al-Shabaab kusoo qaadaan gudaha dalka.
Ujeeddooyinka ugu waaweyn ee tallaabadan ayaa la xiriira ilaalinta waddooyinka sahayda u ah ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya, iyo sidoo kale ka hortagga in weerarro ka yimaada xadka ay horseedaan amni darro ka dhex dhalata gudaha Kenya.
Xaaladda guud ee xadka ayaa haatan lagu tilmaamay mid kacsan, iyadoo dadka deegaanka ay muujiyeen walaac la xiriira suuragalnimada dagaallo ama iska horimaadyo ka dhaca aagga soohdinta.
Maalmihii u dambeeyay, Al-Shabaab ayaa kordhisay dhaqdhaqaaqyada ay ka wado deegaannada ku dhow xadka Kenya iyo Soomaaliya. Todobaadkii hore ayay kooxda weerar ka fulisay deegaanka Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo lagu gaarsiiyay khasaare culus kaddib dagaallo ay la galeen ciidamada Jubbaland iyo kuwa kumaandooska Danab, iyadoo ay sidoo kale barbar socdeen duqeymo lagu beegsaday maleeshiyaadka kooxda.


















