• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Shir Muhiim U Ah Soomaaliya Oo Ka Furmay Nairobi.

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
8 months ago
Reading Time: 2 mins read
Soomaaliya
Share

Wararka24: 26-01-2026 Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa maanta lagu daah-furay shir ku saabsan maalgelinta caafimaadka Soomaaliya, kaas oo ay ka qeyb-galayaan mas’uuliyiin ka socota dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada, iyo saaxiibada caalamiga ah ee taageera horumarinta adeegyada caafimaadka dalka.

Shirka ayaa si rasmi ah u furay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya, Cali Xaaji Aadan, waxaana diiradda lagu saarayaa sidii loo xoojin lahaa maalgelinta, loona horumarin lahaa nidaamka caafimaadka ee Soomaaliya si uu u noqdo mid waara oo hufan.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Guuleed Cabdijaaliil, wasiirrada caafimaadka ee dowlad-goboleedyada, wakiillo ka socday Gobolka Banaadir, iyo hay’ado caalami ah oo door ku leh taageerada caafimaadka Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu sheegay in shirka inta uu socdo lagu gorfeeyn doono mideynta dadaallada caafimaad, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha kala duwan, iyo hirgelinta hannaan maalgelin oo waara oo lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka.

Ujeeddada ugu weyn ee shirka ayaa ah in la xaqiijiyo in shacabka Soomaaliyeed ay helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh, si siman loo wada gaarsiin karo, isla markaana daboolaya baahiyaha caafimaad ee guud ahaan dalka.

Wasaaradda Caafimaadka Federaalka ayaa mar kale adkeysay sida ay uga go’an tahay hoggaaminta dadaallada qaran ee lagu dhisayo nidaam caafimaad oo casri ah, loo wada dhan yahay, iyadoo si dhow ula shaqeynaysa daneeyayaasha gudaha iyo kuwa caalamiga ah si loo xaqiijiyo caafimaadka iyo badbaadada bulshada Soomaaliyeed.

Muddooyinkii u dambeeyay, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wadday dadaallo joogto ah oo lagu ballaarinayo helitaanka adeegyada caafimaadka, si muwaadin kasta uu u helo daryeel caafimaad oo tayo leh, loona gaarsiin karo dhammaan gobollada dalka.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.