Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Shir Muhiim U Ah Soomaaliya Oo Ka Furmay Nairobi.

26-01-2026 Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa maanta lagu daah-furay shir ku saabsan maalgelinta caafimaadka Soomaaliya, kaas oo ay ka qeyb-galayaan mas’uuliyiin ka socota dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada, iyo saaxiibada caalamiga ah ee taageera horumarinta adeegyada caafimaadka dalka.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
January 26, 2026, 11:39 am EAT
Reading Time: 2 mins read
Soomaaliya
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: 26-01-2026 Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa maanta lagu daah-furay shir ku saabsan maalgelinta caafimaadka Soomaaliya, kaas oo ay ka qeyb-galayaan mas’uuliyiin ka socota dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada, iyo saaxiibada caalamiga ah ee taageera horumarinta adeegyada caafimaadka dalka.

Shirka ayaa si rasmi ah u furay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya, Cali Xaaji Aadan, waxaana diiradda lagu saarayaa sidii loo xoojin lahaa maalgelinta, loona horumarin lahaa nidaamka caafimaadka ee Soomaaliya si uu u noqdo mid waara oo hufan.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Guuleed Cabdijaaliil, wasiirrada caafimaadka ee dowlad-goboleedyada, wakiillo ka socday Gobolka Banaadir, iyo hay’ado caalami ah oo door ku leh taageerada caafimaadka Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu sheegay in shirka inta uu socdo lagu gorfeeyn doono mideynta dadaallada caafimaad, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha kala duwan, iyo hirgelinta hannaan maalgelin oo waara oo lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka.

Ujeeddada ugu weyn ee shirka ayaa ah in la xaqiijiyo in shacabka Soomaaliyeed ay helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh, si siman loo wada gaarsiin karo, isla markaana daboolaya baahiyaha caafimaad ee guud ahaan dalka.

Wasaaradda Caafimaadka Federaalka ayaa mar kale adkeysay sida ay uga go’an tahay hoggaaminta dadaallada qaran ee lagu dhisayo nidaam caafimaad oo casri ah, loo wada dhan yahay, iyadoo si dhow ula shaqeynaysa daneeyayaasha gudaha iyo kuwa caalamiga ah si loo xaqiijiyo caafimaadka iyo badbaadada bulshada Soomaaliyeed.

Muddooyinkii u dambeeyay, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wadday dadaallo joogto ah oo lagu ballaarinayo helitaanka adeegyada caafimaadka, si muwaadin kasta uu u helo daryeel caafimaad oo tayo leh, loona gaarsiin karo dhammaan gobollada dalka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

14 hours ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

14 hours ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

17 hours ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

17 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

17 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

17 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

18 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

18 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.