Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Caalamka

Kenya Oo Xadka Soomaaliya la wadagta Geysay Ciidamo Dheeraad Ah.

26-01-2026 Wararka laga helayo deegaannada ku yaalla xadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya ayaa sheegaya in dowladda Kenya ay saacadihii la soo dhaafay kenya ay xoojisay xadka ay la wadaagta somalia ciidamo dheeraad ah na la geeyay, si…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
January 26, 2026, 11:14 am EAT
Reading Time: 2 mins read
Soomaaliya
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: 26-01-2026 Wararka laga helayo deegaannada ku yaalla xadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya ayaa sheegaya in dowladda Kenya ay saacadihii la soo dhaafay kenya ay xoojisay xadka ay la wadaagta somalia ciidamo dheeraad ah na la geeyay, si loo adkeeyo amniga loogana hortago weerarro ay Al-Shabaab ka fuliso gudaha Kenya iyo saldhigyada ciidanka ee u dhow xadka.

Saraakiisha amniga Kenya ayaa sheegay in cidamadoda la geliyay heegan sare, iyadoo la kordhiyay tirada askarta ka howlgasha waddooyinka muhiimka ah ee ay maraan gaadiidka isaga kala goosha labada dal. Waxaa sidoo kale la adkeeyay hubinta iyo baaritaannada amni ee ka socda jidadka isku xira deegaannada xuduudda, si looga hortago falal amni darro.

Tallaabadan ayaa timid kaddib kulan uu dhawaan Madaxweynaha Kenya la yeeshay saraakiisha sare ee ciidamada milatariga, sirdoonka iyo booliiska, halkaas oo diiradda lagu saaray adkeynta amniga guud iyo ka hortagga weerarro ay Al-Shabaab kusoo qaadaan gudaha dalka.

Ujeeddooyinka ugu waaweyn ee tallaabadan ayaa la xiriira ilaalinta waddooyinka sahayda u ah ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya, iyo sidoo kale ka hortagga in weerarro ka yimaada xadka ay horseedaan amni darro ka dhex dhalata gudaha Kenya.

Xaaladda guud ee xadka ayaa haatan lagu tilmaamay mid kacsan, iyadoo dadka deegaanka ay muujiyeen walaac la xiriira suuragalnimada dagaallo ama iska horimaadyo ka dhaca aagga soohdinta.

Maalmihii u dambeeyay, Al-Shabaab ayaa kordhisay dhaqdhaqaaqyada ay ka wado deegaannada ku dhow xadka Kenya iyo Soomaaliya. Todobaadkii hore ayay kooxda weerar ka fulisay deegaanka Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo lagu gaarsiiyay khasaare culus kaddib dagaallo ay la galeen ciidamada Jubbaland iyo kuwa kumaandooska Danab, iyadoo ay sidoo kale barbar socdeen duqeymo lagu beegsaday maleeshiyaadka kooxda.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

14 hours ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

14 hours ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

17 hours ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

17 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

17 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

17 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

18 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

18 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.