Wararka24: Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka aya Howlgal Manta 8da Deegaan Looga Xoreeyey Al-Shabaab ay ka fuliyeen qaybo ka mid ah gobolkaasi..

Howlgal Manta 8da Deegaan Looga Xoreeyey Al-Shabaab, laguna laayey ayaa ku saabsanaa deegaanno dhaca jiinka wabiga Shabelle,
Ciidamada ayaa gudaha u galay deegaanno ay kamid yihiin Kiliga Maxamed Diirshe, Raas Qaboobe, Jameeco, Shanloow, Dhagaxoow, Yaaqle, Farbarako, Damileey iyo kuwa kale oo ku yaala jiinka wabiga Shabeelle, horay ay ugu sugnaayeen Shabaab.
Qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in inta uu socday howlgalka la dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab ah, sida aan ka soo xiganay Caasimada, ayna ku jiraan horjoogayaal iyo maleeshiyaad, inkastoo aysan sheegin saraakiisha tirada rasmiga ah ee la khaarijiyay.
Sidoo kale, waxaa nolosha lagu soo qabtay xubno kale oo usoo gacan galay ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.
Howlgalada Khawaarijta looga sifeynayo deegaanada dhaca Jiinka wabiga Shabeelle ayey dardar galiyeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka, iyadoo Argagixisada jab culus lagu gaarsiiyay howlgalka, isla markaana laga dilay maleeshiyaad badan, gacantana lagu dhigay dhagarqabayaal kale,” ayaa lagu yiri qoraal dowladda dhexe.
Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga degmada Mahadaay, oo haatan ay ka socdaan howlgallo xoreyn ah oo ay iska kaashanayaan dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Hirshabelle.
Shabeelaha Dhexe ayaa kamid ah meelaha lagu jabiyay Al-Shabaab, wejigii koowaad ee dagaalka, iyada oo lagu xoreeyay dhul ballaaran oo ay kamid tahay degmada Aadan Yabaal, oo muddo dheer talis wayn u hayad maleeshiyaadka argagixisada ah…
Fahad Yaasiin oo digniin u diray madaxda dalka kadib xarigga Shub

Wararka Ugu Aqrintabadan Fahad Yaasiin oo digniin u diray madaxda dalka kadib xarigga Shub 38 minutes ago DF Soomaaliya oo xabsi guri gelisay Jeneraal Mahad Shub 2 hours ago Load More ShareWararka24: Agaasimihii hore ee hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa si kulul uga hadlay xabsi guriga la geliyay Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta
Doon laga leeyahay Iiraan oo lagu weeraray meel u dhow xeebaha Soomaaliya

Wararka Ugu Aqrintabadan Doon laga leeyahay Iiraan oo lagu weeraray meel u dhow xeebaha Soomaaliya 46 minutes ago Hanjabaad ka timid Khabiir dhanka amniga oo Iiraani ah kuna saabsan Khaliijka 59 minutes ago Load More ShareWararka24: Doon la sheegay inay leedahay Iiraan ayaa lagu weeraray meel qiyaastii 400 mayl badeed u jirta xeebaha magaalada Muqdisho,
Hanjabaad ka timid Khabiir dhanka amniga oo Iiraani ah kuna saabsan Khaliijka

Wararka Ugu Aqrintabadan Doon laga leeyahay Iiraan oo lagu weeraray meel u dhow xeebaha Soomaaliya 46 minutes ago Hanjabaad ka timid Khabiir dhanka amniga oo Iiraani ah kuna saabsan Khaliijka 59 minutes ago Load More ShareWararka24: Falanqeeye dhanka amniga ah oo u dhashay Iiraan ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay tallaabooyin milateri oo ka
















