
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa wareysi xasaasi ah oo uu siiyay VOA kaga hadlay arrimaha dorashooyinka dalka, isaga oo xusay in dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ay ka go’an tahay hirgelinta nidaamka doorashada qof iyo cod ah.
Ahmed Fiqi ayaa sheegay in Villa Soomaaliya ay qorsheyneyso doorasho cadaalad ah oo awoodda dib loogu celinayo shacabka, isagoo intaa raaciyay in dadaallo socda ay horseedi doonaan xal waara oo laga gaaro muranka siyaasadeed ee ka taagan hannaanka doorashooyinka.
Fiqi ayaa shegay in Dorashooyinka qof iyo cod Waa Lagu Qaban Doonaa Puntland iyo Jubbaland


Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in maamullada Jubbaland iyo Puntland – oo hadda ka soo horjeeda qorshaha doorashada ay ugu dambeyn qeyb ka noqon doonaan hirgelinta nidaamkan.
Waa laga gudbayaa nidaamka is addoonsiga ee qof maamul-goboleed jooga saf loo galo, shacabkana rahmad uma haysan karo. Dorashooyinka waxay ka dhici doontaa Puntland iyo Jubbaland,” ayuu yiri Wasiirka.
Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Ahmed fiqi ayaa wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay u diyaar garoobaan doorashada, kana aaminaan dowladda inay hannaanka doorashooyinka u maamuli doonto si hufan.
Hadalka Wasiirka ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay ku jirto xaalad jahwareer siyaasadeed ah, iyadoo madaxda dowladda, mucaaradka, iyo qaar kamid ah madax-goboleedyada ay weli isku khilaafsan yihiin qaabka loo wajahayo doorashooyinka soo socda..
Trending
Farmaajo oo ka digay halista xiisadda Koonfur Galbeed

Wararka Ugu Aqrintabadan Farmaajo oo ka digay halista xiisadda Koonfur Galbeed 7 hours ago Kumaandooska Gorgor oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Dhexe 14 hours ago Load More ShareWararka24: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda sii cakirmeysa ee ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo uu kasii darayo khilaafka
Mareykanka oo farriin u diray Iran iyo Tehran oo xaqiijisay helitaankeeda

Wararka Ugu Aqrintabadan Mareykanka oo farriin u diray Iran iyo Tehran oo xaqiijisay helitaankeeda 7 hours ago Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan 13 hours ago Load More ShareWararka24: Mareykanka ayaa farriin u diray Iiraan isaga oo adeegsanaya dalal dhexdhexaad ah, iyadoo Tehran ay xaqiijisay in ay heshay farriintaas, sida ay warisay CBS
Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan

Wararka Ugu Aqrintabadan Mareykanka oo farriin u diray Iran iyo Tehran oo xaqiijisay helitaankeeda 7 hours ago Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan 13 hours ago Load More ShareWararka24: Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Koongareeska Mareykanka ayaa si adag u cambaaraysay weerarrada Israa’iil ka waddo Lubnaan, iyadoo ku baaqday in si degdeg



















