
Ciidanka Puntland ayaa Jimcihii si buuxda ula wareegay xaruntii ay kooxda Daacish ku lahayd Dhaban-qooxle, oo ka tirsan deegaanka Uur Caleed ee Gobolka Bari.
Xaruntan oo ku taalla dhul aan la degganeyn, una dhow Dooxada Dharoor, ayaa muhiim u ahayd Daacish, maadaama ay qayb ahaan ka fidsan tahay Degmooyinka Ufeyn iyo Iskushuban.
Hawlgalka lagu qabsaday Dhaban-qooxle wuxuu qeyb ka yahay wajiga saddexaad ee dagaalka Puntland kula jirto Daacish, waxaana ciidamada dagaalka billaabeen Jimcihii – maalinta ugu horreysay ee wejigan cusub.
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa habeen hore shaaciyey dhammaadka wejigii labaad ee howlgalkan, isagoo caddeeyey in wajiga saddexaad uu bilaabanayo Jimcaha.
“Howlgalka ma istaagayo ilaa Puntland laga cirib tiro argagixisada,” ayuu yiri Madaxweyne Deni, oo shacabka la hadlayay. “Hadafku waa in kooxahan laga suuliyo dhammaan deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan.”
Ciidanka Puntland ayaa si xawli ah ugu sii siqaya deegaannada ay Daacish ku sugan tahay, iyadoo kooxda ay luminayso dhulkii ay tobanaan sano ka urursaneyd.



Ugu aqrinta badan
Dowladda Soomaaliya Oo qirtay In Aan La Jarin Xiriirka Guud Ee Imaaraadka Carabta

ShareWararka24: 23-01-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in go’aankii ay dhowaan ku burisay heshiisyada difaaca iyo amniga ee kala dhaxeeyay Imaaraadka Carabta uusan micnaheedu ahayn in la jaray xiriirka…
Putin Oo kulan kula yeshay Moscow ergayada Mareykanka xili habeenimo damba ah.

ShareWararka24: 23-01-2026 Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa xalay kulan saacado qaatay xili habeenimo kula yeeshay Moscow, ergayal sare oo ka socday Mareykanka, kuwaas oo wadaay qorshe uu Mareykanku diyaariyay…
Wilkie: Waxaan u maleynayaa putin kama tanaasuli doona arintaan ilaa uu ka dhinto

ShareHaba yaraatee kalsooni kuma qabo in Putin uu ka tanaasuli doono qodobbo muhiim ah oo ku jira wadahadalladan, ayuu yiri Robert Wilkie, oo ahaa xoghayihii hore ee maamulka Trump.…















