Wararka24: Ciidanka Puntland, oo ku sugan aagagga dhexe ee Buuraleyda Calmiskaad, ayaa maanta weerar xoogan ku qaaday maleeshiyada Daacish ee fariisimaha ku leh deegaanka Damdamle ee Gobolka Bari.

Ciidanka Puntland oo dagaal culus la galay Daacish ayaa sheegay in ciidamadu ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta deegaankaasi, maleeshiyadii ku sugneydna ay ka saareen. Taliska ayaa inta u dhaxeyso deegaanada Qurac iyo Damdamle ku soo bandhigay meydadka xubno ka tirsanaa maleeshiyada Daacish.
Xubnaha meydadkooda la soo bandhigay oo ajaaniib ahaa ayaa la sheegay in lagu dilay dagaalkii maanta. “Hawlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland ayaa maraya meel wanaagsan. Ciidamada ayaa xaqiijiyay guulo taariikhi ah,” ayuu ku waramay Raadiyaha Puntland.
Ciidanka Puntland ee fariisimaha ku leh bartamaha Tog-jaceyl ayaa isku dayaya in ay u tallaabaan galbeedka Calmiskaad,
Halkaas oo la fahamsan yahay in Daacish ay ku xoogan Yahiin, hawlgalka ciribtirka Daacish ee ka socdo Gobolka Bari ayaa maanta galay maalintii 51aad…
148 Muwaadiniin oo laga soo ciliyey dalka dibadisa oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay
ShareMuqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa galinkii dambe ee shalay magaalada Muqdisho kusoo dhoweysay 148 muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo daadgureeyay dalka Yemen, iyadoo kaashaneysa hay’adaha gargaarka caalamiga ah. Muwaadiniintan oo isugu jira rag, dumar iyo carruur ayaa lagu soo celiyay diyaarad khaas ah oo si toos ah uga timid Yemen, kadib markii ay halkaas…
dilkii argagaxa lahaa ee loo geystay Hooyo iyo Carruurteeda oo war cusub kasoo baxay?
ShareDhuusamareeb –Kadib dilkii argagaxa Ciidamada ammaanka ee dowlad-goboleedka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay laba ka mid ah saddex eedeysane oo lagu tuhunsan yahay in deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud ku dileen hooyo iyo saddex carruur ah oo ay dhashay. Howlgalka oo socday ku dhowaad 24 saacadood ayaa la sheegay inuu si gaar ah loogu beegsaday rag…
LIVE: Wararka maanta soomalia, DF ayaa qaadatay in Jubbaland cusub la sameeyo..
Share Share