Wararka24: Ciidamada Macawiisleyda ayaa maanta howlgal culus ka fuliyay kooxda Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay deegaanka Dabagalo ee gobolka Mudug, sida uu xaqiijiyay xoghayaha degmada Xarardheere.
Howlgalka ayaa lagu soo qabtay hub ay ka mid yihiin qoryo AK47 ah oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen, waxaana la dilay horjooge magaciisa lagu sheegay Geedi iyo lix ka tirsan maleeshiyaadkiisa ilaalo u ahaa.
Xoghayaha degmada ayaa sheegay in howlgalka uu u dhacay sidii loogu talagalay, ayna ciidamada deegaanka si guul ah u fuliyeen hawlgalkooda.
“Geedi iyo lix nin oo istaafkiisa ah ayaa kamid ah dadka meesha lagu dilay, waxaana rajeynayaa in meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan looga daba tagi doono,” ayuu yiri xoghayaha.
Dhinaca kale, ilaa hadda Al-Shabaab wax hadal ah kama aysan soo saarin howlgalka, iyadoo weli dagaallo culus ka socda koonfurta gobolka Mudug.
Gobollada dhexe waxaa haatan howlgallo xoreyn ah ka wada ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka, iyaga oo kaashanaya garabweyn ay ka helayaan saaxiibada caalamiga ah oo duqeymo ka fuliyay gobollada.
DAAWA


















