• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Farmaajo oo bilaabay dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo ku saabsan doorashada 2026

Amran Mahad by Amran Mahad
1 year ago
Reading Time: 4 mins read
Farmaajo
Share

Farmaajo

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, oo haatan dibad-joog ah, ayaa dalka Qatar ka bilaabay dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashooyinka soo socda ee 2026-ka.

Farmaajo, ayaa bilaabay kulamo uu la yeelanayo xildhibaannada, siyaasiyiinta, iyo waxgaradka, isaga oo kala hadlayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, ammaanka, iyo doorashooyinka soo socda.

Ujeedka ugu weyn ee kulamadan ayaa ah inuu Farmaajo u diyaar garowdo qorshaha cusub ee doorashada 2026, taas oo noqon doonta tallaabadii ugu horreysay ee uu qaado si uu uga qayb qaato tartanka siyaasadeed.

Kulankii ugu dambeeyay oo Jimcihii shalay dhacay ayaa Farmaajo wuxuu la yeeshay Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare), oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, laga soo doorto Puntland. Waxayna ka hadleen arrimo xasaasi ah oo ku saabsan doorashada 2026, amniga, iyo dagaalka argagixisada.

Xildhibaanka oo qoraal soo saaray ayaa xog ka bixiyay wada-hadalka uu la yeeshay Farmaajo, wuxuuna tilmaamay inay ku yimaadeen kulamo is-daba-joog ah oo ka dhacay Dooxa, ayna iska wareysteen qodobo muhiim ah, sida doorashada 2026, amniga, iyo dagaalka argagixisada.

“Kulama is-daba-joog ah oo aan yeelanay Madaxweynihii hore Farmaajo, intii aan ku sugnaa magaalada Doha, waxaan iska waraysanay xaaladaha dalka, arimaha siyaasada, amniga, la dagaalanka argagixisada Daacish &Al-Shabaab, midnimada dalka, iyo arimaha doorashooyinka 2026,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare).

Sidoo kale, wuxuu intaasi sii raaciyay in qodobada ay ka wada-hadleen ay isku fahmeen, taas oo ka dhigan inay yeelanayaan iskaashi siyaasadeed oo cusub, ka hor doorashada.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale u mahadceliyay Farmaajo iyo kooxdiisa, oo uu tilmaamay inay si weyn oo mugleh ay ugu soo dhaweeyeen magaalada Dooxa ee caasimada dalka Qatar.

“Dhamaan qodabadas oo dhan waxaan ka noqonay isku aragti, waxaan aad ugu mahadcelinaya Madaxweynihii hore Farmaajo iyo saaxiibadii kale igu soo dhaweeyay Doha, Qatar, intii aan joogay,” ayuu mar kale yiri xildhibaanku.

Farmaajo iyo diidmada qorshaha Villa Soomaaliya

Maxamed Cabdullaahi Farmajo ayaa ka mid ah madaxdii hore ee dalka iyo siyaasiyiinta sida wayn u diidan qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan qabashada doorasho qof iyo cod ah, taas oo ay ka taagan tahay dood weyn oo u dhexeysa Xasan Sheekh iyo mucaaradka.

Marxalad siyaasadeed oo culus

Si kastaba, waxaa haatan dalka uu ku jiraa marxalad siyaasadeed oo aad u culus oo ku aadan khilaafka ka dhashay doorashada iyo mid kale oo ku aadan dagaalka Al-Shabaab, oo haatan xoogeystay, maadaama lagu arkay agagaarka Muqdisho iyo Shabeelooyinka.

📌 Wararka24 – Xog rasmi ah oo faahfaahin degdeg ah


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.