Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Farmaajo oo bilaabay dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo ku saabsan doorashada 2026

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, oo haatan dibad-joog ah, ayaa dalka Qatar ka bilaabay dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashooyinka soo socda ee 2026-ka.

Amran Mahad by Amran Mahad
March 22, 2025, 2:05 pm EAT
Reading Time: 4 mins read
Farmaajo
Share

Farmaajo

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, oo haatan dibad-joog ah, ayaa dalka Qatar ka bilaabay dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashooyinka soo socda ee 2026-ka.

Farmaajo, ayaa bilaabay kulamo uu la yeelanayo xildhibaannada, siyaasiyiinta, iyo waxgaradka, isaga oo kala hadlayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, ammaanka, iyo doorashooyinka soo socda.

Ujeedka ugu weyn ee kulamadan ayaa ah inuu Farmaajo u diyaar garowdo qorshaha cusub ee doorashada 2026, taas oo noqon doonta tallaabadii ugu horreysay ee uu qaado si uu uga qayb qaato tartanka siyaasadeed.

Kulankii ugu dambeeyay oo Jimcihii shalay dhacay ayaa Farmaajo wuxuu la yeeshay Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare), oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, laga soo doorto Puntland. Waxayna ka hadleen arrimo xasaasi ah oo ku saabsan doorashada 2026, amniga, iyo dagaalka argagixisada.

Xildhibaanka oo qoraal soo saaray ayaa xog ka bixiyay wada-hadalka uu la yeeshay Farmaajo, wuxuuna tilmaamay inay ku yimaadeen kulamo is-daba-joog ah oo ka dhacay Dooxa, ayna iska wareysteen qodobo muhiim ah, sida doorashada 2026, amniga, iyo dagaalka argagixisada.

“Kulama is-daba-joog ah oo aan yeelanay Madaxweynihii hore Farmaajo, intii aan ku sugnaa magaalada Doha, waxaan iska waraysanay xaaladaha dalka, arimaha siyaasada, amniga, la dagaalanka argagixisada Daacish &Al-Shabaab, midnimada dalka, iyo arimaha doorashooyinka 2026,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare).

Sidoo kale, wuxuu intaasi sii raaciyay in qodobada ay ka wada-hadleen ay isku fahmeen, taas oo ka dhigan inay yeelanayaan iskaashi siyaasadeed oo cusub, ka hor doorashada.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale u mahadceliyay Farmaajo iyo kooxdiisa, oo uu tilmaamay inay si weyn oo mugleh ay ugu soo dhaweeyeen magaalada Dooxa ee caasimada dalka Qatar.

“Dhamaan qodabadas oo dhan waxaan ka noqonay isku aragti, waxaan aad ugu mahadcelinaya Madaxweynihii hore Farmaajo iyo saaxiibadii kale igu soo dhaweeyay Doha, Qatar, intii aan joogay,” ayuu mar kale yiri xildhibaanku.

Farmaajo iyo diidmada qorshaha Villa Soomaaliya

Maxamed Cabdullaahi Farmajo ayaa ka mid ah madaxdii hore ee dalka iyo siyaasiyiinta sida wayn u diidan qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan qabashada doorasho qof iyo cod ah, taas oo ay ka taagan tahay dood weyn oo u dhexeysa Xasan Sheekh iyo mucaaradka.

Marxalad siyaasadeed oo culus

Si kastaba, waxaa haatan dalka uu ku jiraa marxalad siyaasadeed oo aad u culus oo ku aadan khilaafka ka dhashay doorashada iyo mid kale oo ku aadan dagaalka Al-Shabaab, oo haatan xoogeystay, maadaama lagu arkay agagaarka Muqdisho iyo Shabeelooyinka.

📌 Wararka24 – Xog rasmi ah oo faahfaahin degdeg ah


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

21 hours ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

22 hours ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

3 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

4 days ago
Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

4 days ago
“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.