Wararka24: Dowladda Britain ayaa Arbacadan sheegtay inay adkeynayso sharciyada socdaalka, si loo xaddido helista muwaadannimada British-ka ee muhaajiriinta sharci-darro ah. Tallaabadaan ayaa loogu talagalay inay ka dhigto mid aan suurtagal ahayn in muhaajiriinta ku soo gala doonyaha yaryar ay mustaqbalka helaan muwaadannimada Britain.
Sida ku xusan tilmaamaha cusub, muhaajiriinta ku soo gala badda ama kuwa isku qariya dhabarka gaadiidka waxaa inta badan loo diidi doonaa helista muwaadannimada British-ka.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Home Office) ayaa sheegay: “Tilmaamahan waxay sii xoojinayaan tallaabooyinka caddeynaya in qof kasta oo si sharci-darro ah ku soo gala UK — oo ay ku jiraan kuwa doonyaha yaryar — uu la kulmayo in codsiga muwaadannimada Britain laga diido.”
Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Keir Starmer ee xisbiga Labour ayaa cadaadis weyn ku hayso arrimaha socdaalka, gaar ahaan ka dib markii xisbiga Reform UK, oo uu hoggaamiyo Nigel Farage, uu guul weyn ka soo hooyay doorashadii guud ee u dambeysay. Xisbiga Reform UK, oo ka soo horjeeda socdaalka, ayaa helay qiyaastii afar milyan oo cod, taasoo ahayd guul aan hore loo arag xisbi midigta fog.

Hase yeeshee, isbeddelkan sharciyada Helista Muwaadannimada British-ka ayaa waxa dhaleeceeyay qaar ka mid ah xildhibaannada xisbiga Labour. Xildhibaan Stella Creasy ayaa ku qortay X (Twitter):
Haddii aan qof siino maqaam qaxooti, sax ma aha inaan u diidno waddada uu ku noqon lahaa muwaadin British ah.” Waxay intaa ku dartay in siyaasaddan ay ka dhigeyso waligood kuwa heer labaad ah..
Shiinaha oo maraakiib dagaal oo cusub u diraya Gacanka Cadmeed

Wararka Ugu Aqrintabadan Shiinaha oo maraakiib dagaal oo cusub u diraya Gacanka Cadmeed 14 hours ago Itoobiya oo ciidamadeeda AUSSOM kala baxday degmada Buurhakaba 2 days ago Load More ShareWararka24: Shiinaha ayaa bartamaha bishan Agoosto u diri doona maraakiib dagaal oo cusub Gacanka Cadmeed iyo biyaha Soomaaliya, si ay uga qeyb qaataan ilaalinta maraakiibta ganacsiga…
Itoobiya oo ciidamadeeda AUSSOM kala baxday degmada Buurhakaba

Wararka Ugu Aqrintabadan Shiinaha oo maraakiib dagaal oo cusub u diraya Gacanka Cadmeed 14 hours ago Itoobiya oo ciidamadeeda AUSSOM kala baxday degmada Buurhakaba 2 days ago Load More ShareWararka24: Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ahaa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa ka baxay degmada Buurhakaba ee gobolka Bay, iyadoo mas’uuliyadda amniga saldhigga degmada…
Doorashada guddoomiyaha golaha shacabka oo berri ka dhaceysa Muqdisho

Wararka Ugu Aqrintabadan Shiinaha oo maraakiib dagaal oo cusub u diraya Gacanka Cadmeed 14 hours ago Itoobiya oo ciidamadeeda AUSSOM kala baxday degmada Buurhakaba 2 days ago Load More ShareWararka24: Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa inay berri ka dhacdo magaalada Muqdisho, iyadoo maanta la soo gabagabeeyay diyaar-garowga goobta iyo…





















