
Wararka24: Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, ayaa tacsi u diray ciidamada Somaliland ee ku geeriyooday dagaalkii ka dhacay deegaanka Buqdharkeyn, isagoo ku tilmaamay weerarkaas mid gardarro ah. Hadalkan ayuu kajeediyay xuska Maalinta Haweenka Adduunka ee 8-da Maarso shali kadhacday magaalada hargeysa.
Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in dagaalka lagu qaaday Buqdharkeyn uu ahaa duullaan aan caddaalad ku salaysnayn, balse Somaliland ay si buuxda u difaacidoonta jiritaankeeda.
“Waxaan aad uga xumahay weerarkii gardarrada ahaa ee lagu soo qaaday deegaan nabadeed. Somaliland waxay ka go’an tahay inay qarankeeda difaacdo,” ayuu yiri Cirro.
Wuxuu hoosta ka xarriiqay in dagaalkani uusan waxba ka beddeli doonin mowqifka Somaliland ee nabadda, balse ay sii xoojin doonaan difaaca qaranka.
“Dagaalku ma hor istaagi karo dadaallada nabadda, balse difaaceenna waan adkaynaynaa,” ayuu yiri Madaxweynaha.
Cabdiraxmaan Cirro, Xiisadda ka Taagan Buqdharkeyn

Dagaalkii ka dhacay Buqdharkeyn, oo ka tirsan gobolka Sool, ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh. Somaliland iyo maamulka SSC-Khaatumo ayaa midba midka kale ku eedeeyay mas’uuliyadda dagaalka. Deegaankaasi ayaa horey u arkay dagaallo soo noqnoqday, waxaana weli taagan xiisado colaadeed.
Dowladda cusub ee Cirro ayaa horey u muujisay inay doorbidayso xal nabadeed oo lagu xalliyo colaadaha ka taagan gobollada Sool iyo Sanaag. Madaxweyne Cirro ayaa dhawaan magacaabay guddi ka shaqayn doona dadaallada nabadda, inkastoo dagaalka cusub uu sii hurin karo xiisadaha jira labada gobal.
Dhacdadaan ayaa ah mid ugub ah, wixi kasoo kordho waan idinla soo socod siindoona marka saan uhelno