• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, October 11, 2025
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Cafiska Madaxweynaha Puntland Oo Maanta Soo Dhamaanaya – Maxaa Laga Ogyahay Dadka Ka Faa’iidaystay?

Abdirahman Dahir by Abdirahman Dahir
7 months ago
Reading Time: 3 mins read
Hawlgalka ciribtirka Daacish
Share

Madaxweynaha Puntland
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni

Wararka24: Waxaa maanta ku eg muddadii toddobaadka ahayd ee Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, uu cafiska u fidiyay shakhsiyaadka ku sugan magaalooyinka Puntland ee la shaqeeya kooxda Daacish ee Soomaaliya.

Cafiskan oo billowday Jimcihii la soo dhaafay, ayaa maanta oo Khamiis ah la soo gabagabeynayaa, iyadoo dadka aan ku jirin furimaha dagaalka loo ogolaaday inay ka faa’iidaystaan fursaddan.

Madaxweyne Deni ayaa 27-kii bishii February ku dhawaaqay in cafisku khuseeyo dhammaan kuwa ku nool magaalooyinka, balse si gaar ah ula shaqeeya Daacish, kuwaas oo isugu jira odayaal, culimo, ganacsato iyo qaybo kale oo bulshada ka mid ah.

Wuxuu sidoo kale cadeeyay in haddii ay fursaddan ka faa’iidaysan waayaan, maamulku qaadi doono tallaabo sharci ah.

“Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dadka laamaha amniga la soo xiriira, si ay u caddeeyaan in ay ka tanaasuleen falalkii hore. Liisaskooda iyo magacyadooda waan haynaa, ciddii toddobaadkan gudaheed uusan amniga la xiriirin, dowladda waxay ka qaadi doontaa tallaabo sharci ah.” Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Wararka ka imanaya hay’adaha ammaanka Puntland ayaa sheegaya in dad badan ay cafiska ka faa’iidaysteen, iyagoo la xiriiray laamaha amniga.

Siciid Cabdullaahi Deni

Dhanka kale, Taliska Ciidanka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in wejiga saddexaad ee hawlgalka ciribtirka Daacish uu sii socdo, isla markaana dad looga shakisan yahay taageeridda iyo dhiirrigelinta kooxaha argagixisada la qabtay.

Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ciidanka ayaa lagu sheegay in dadkaasi loo gudbin doono maxkamadaha awoodda u leh, si sharciga loo horkeeno.

“Dhammaan eedeysaneyaasha la qabtay waxay mari doonaan hanaanka sharciga, waxaana shacabka lagu boorinayaa in aysan ka hordhicin natiijada baaritaanada socda. Waxaa muhiim ah in la dhowro caddaaladda inta lagu jiro geeddi-socodka baaritaanka iyo maxkamadeynta.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Ciidanka Puntland ayaa guulo la taaban karo ka gaaray dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Daacish, taas oo rajo beel ku ridday cid kasta oo u hanqal taagayay in kooxdu ay sii joogto deegaanada Puntland.

Wararka Manta

  • 148 Muwaadiniin oo laga soo ciliyey dalka dibadisa oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay

    148 Muwaadiniin oo laga soo ciliyey dalka dibadisa oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay

    ShareMuqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa galinkii dambe ee shalay magaalada Muqdisho kusoo dhoweysay 148 muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo daadgureeyay dalka Yemen, iyadoo kaashaneysa hay’adaha gargaarka caalamiga ah. Muwaadiniintan oo isugu jira rag, dumar iyo carruur ayaa lagu soo celiyay…

    Sii Aqri


    October 10, 2025
  • dilkii argagaxa lahaa ee loo geystay Hooyo iyo Carruurteeda oo war cusub kasoo baxay?

    dilkii argagaxa lahaa ee loo geystay Hooyo iyo Carruurteeda oo war cusub kasoo baxay?

    ShareDhuusamareeb –Kadib dilkii argagaxa Ciidamada ammaanka ee dowlad-goboleedka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay laba ka mid ah saddex eedeysane oo lagu tuhunsan yahay in deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud ku dileen hooyo iyo saddex carruur ah oo ay dhashay. Howlgalka oo socday…

    Sii Aqri


    October 10, 2025
  • LIVE: Wararka maanta soomalia, DF ayaa qaadatay in Jubbaland cusub la sameeyo..

    LIVE: Wararka maanta soomalia, DF ayaa qaadatay in Jubbaland cusub la sameeyo..

    Share Share

    Sii Aqri


    October 10, 2025

Share
Tags: Madaxweynaha PuntlandMadaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deniwararka mantawararka somalia
Previous Post

Turkish Airlines ayaa joojisay Duulimaadyadi Casimada Mogadisho + Sababta?

Next Post

Xaaladda Balcad Oo Kacsan: Dowladda Soomaaliya Oo Jawaab Adag Ka Bixisay Weerarkii Al-Shabaab + SAWIRO

Abdirahman Dahir

Abdirahman Dahir

Cabdiraxmaan Daahir waa qoraa iyo tafatire sare oo ka tirsan Wararka24.com, isaga oo door muhiim ah ku leh hubinta iyo hagaajinta tayada wararka ka soo baxa wararka24.

Related Posts

148 Muwaadiniin

148 Muwaadiniin oo laga soo ciliyey dalka dibadisa oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay

by Wararka24 News Desk
October 10, 2025

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa galinkii dambe ee shalay magaalada Muqdisho kusoo dhoweysay 148 muwaadiniin Soomaaliyeed oo...

Kadib dilkii argagaxa

dilkii argagaxa lahaa ee loo geystay Hooyo iyo Carruurteeda oo war cusub kasoo baxay?

by Yasmin Jamal
October 10, 2025

Dhuusamareeb –Kadib dilkii argagaxa Ciidamada ammaanka ee dowlad-goboleedka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay laba ka mid ah saddex eedeysane...

Wasiirka Gaashandhiga Sweden oo booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho..

Wasiirka Gaashandhiga Sweden oo booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho..

by Yasmin Jamal
October 7, 2025

Muqdisho – Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashandhiga Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi, iyo Taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka, S/Guuto...

Puntland iyo Somaliland oo gaaray heshiiyay Taariikhi ah?

Puntland iyo Somaliland oo gaaray heshiiyay Taariikhi ah?

by Yasmin Jamal
October 6, 2025

Nairobi – Puntland iyo Somaliland ayaa maanta ku gaaray magaalada Nairobi heshiis taariikhi ah oo ku saabsan iskaashi...

Wadahadalladii Kismaayo ee Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe oo fashil ku dhammaaday, Maxa so kordhay?

Wadahadalladii Kismaayo ee Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe oo fashil ku dhammaaday, Maxa so kordhay?

by Wararka24 News Desk
October 6, 2025

Muqdisho (Wararka24)– Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in caawa burbur ku soo dhammaadeen wadahadalladii u dhexeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan...

Dowladda Federaalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo furtay 52 waddo oo ku yaalla Muqdisho

by Yasmin Jamal
October 4, 2025

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay maanta furto 52 waddo oo kala duwan oo ku...

Next Post
Degmada Balcad

Xaaladda Balcad Oo Kacsan: Dowladda Soomaaliya Oo Jawaab Adag Ka Bixisay Weerarkii Al-Shabaab + SAWIRO

Golaha Wasiirrada

Golaha Wasiirrada Oo Soo Saartay Go’aanno Culus, Digniin Adagna U Diray Shacabka + Faahfaahin

Madaxweynaha Faransiiska Macron

Faransiiska Macron Oo Ka Digay Khatar Weyn,Yurub Waa Inay Is Difaacdo, Ruushkuna Waa Halis Weyn oo Soo Socota.

Recommended

wararka kenya

Kenya: Sarkaal Booliis ah oo la Xiray Kadib Dilka Blogger-ka Albert Ojwang.

4 months ago
Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay Jiran dad Soomaaliyeed oo kaxun horumarka dalka, kana macaasha dhibaatooyinka?

7 months ago
Xamza

Somaliland: Xamza wuu ka shallayn doona Safarkiisa Laascaanood.

6 months ago
Xiis Xarago: Nimcaan Hilaac wuxuu ka doorbiday baasaboor wiil aan udhalay

Xiis Xarago: Nimcaan Hilaac wuxuu ka doorbiday baasaboor wiil aan udhalay

2 months ago
Qatar iyo Masar

Qatar iyo Masar oo wada dadaalo lagu Donayo badbaadinayo heshiiska xabad joojinta Gaza

8 months ago
Xasan Sheekh

Kulanka Xasan Sheekh iyo Mucaaradka: maxa la-filaya manta

4 months ago
Hotel Qaahira Beledweyne 2

Wararka24: Hotel Qaahira Al-Shabaab Oo Weli ka dhex dagaalamaya + faahfaahin dherad ah

7 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.