
Wararka24: Waxaa maanta ku eg muddadii toddobaadka ahayd ee Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, uu cafiska u fidiyay shakhsiyaadka ku sugan magaalooyinka Puntland ee la shaqeeya kooxda Daacish ee Soomaaliya.
Cafiskan oo billowday Jimcihii la soo dhaafay, ayaa maanta oo Khamiis ah la soo gabagabeynayaa, iyadoo dadka aan ku jirin furimaha dagaalka loo ogolaaday inay ka faa’iidaystaan fursaddan.
Madaxweyne Deni ayaa 27-kii bishii February ku dhawaaqay in cafisku khuseeyo dhammaan kuwa ku nool magaalooyinka, balse si gaar ah ula shaqeeya Daacish, kuwaas oo isugu jira odayaal, culimo, ganacsato iyo qaybo kale oo bulshada ka mid ah.
Wuxuu sidoo kale cadeeyay in haddii ay fursaddan ka faa’iidaysan waayaan, maamulku qaadi doono tallaabo sharci ah.
“Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dadka laamaha amniga la soo xiriira, si ay u caddeeyaan in ay ka tanaasuleen falalkii hore. Liisaskooda iyo magacyadooda waan haynaa, ciddii toddobaadkan gudaheed uusan amniga la xiriirin, dowladda waxay ka qaadi doontaa tallaabo sharci ah.” Ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Wararka ka imanaya hay’adaha ammaanka Puntland ayaa sheegaya in dad badan ay cafiska ka faa’iidaysteen, iyagoo la xiriiray laamaha amniga.

Dhanka kale, Taliska Ciidanka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in wejiga saddexaad ee hawlgalka ciribtirka Daacish uu sii socdo, isla markaana dad looga shakisan yahay taageeridda iyo dhiirrigelinta kooxaha argagixisada la qabtay.
Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ciidanka ayaa lagu sheegay in dadkaasi loo gudbin doono maxkamadaha awoodda u leh, si sharciga loo horkeeno.
“Dhammaan eedeysaneyaasha la qabtay waxay mari doonaan hanaanka sharciga, waxaana shacabka lagu boorinayaa in aysan ka hordhicin natiijada baaritaanada socda. Waxaa muhiim ah in la dhowro caddaaladda inta lagu jiro geeddi-socodka baaritaanka iyo maxkamadeynta.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Ciidanka Puntland ayaa guulo la taaban karo ka gaaray dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Daacish, taas oo rajo beel ku ridday cid kasta oo u hanqal taagayay in kooxdu ay sii joogto deegaanada Puntland.
Wararka Manta
Shiinaha oo maraakiib dagaal oo cusub u diraya Gacanka Cadmeed

Wararka Ugu Aqrintabadan Shiinaha oo maraakiib dagaal oo cusub u diraya Gacanka Cadmeed 14 hours ago Itoobiya oo ciidamadeeda AUSSOM kala baxday degmada Buurhakaba 2 days ago Load More ShareWararka24: Shiinaha ayaa bartamaha bishan Agoosto u diri doona maraakiib dagaal oo…
Itoobiya oo ciidamadeeda AUSSOM kala baxday degmada Buurhakaba

Wararka Ugu Aqrintabadan Shiinaha oo maraakiib dagaal oo cusub u diraya Gacanka Cadmeed 14 hours ago Itoobiya oo ciidamadeeda AUSSOM kala baxday degmada Buurhakaba 2 days ago Load More ShareWararka24: Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ahaa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya…
Doorashada guddoomiyaha golaha shacabka oo berri ka dhaceysa Muqdisho

Wararka Ugu Aqrintabadan Shiinaha oo maraakiib dagaal oo cusub u diraya Gacanka Cadmeed 14 hours ago Itoobiya oo ciidamadeeda AUSSOM kala baxday degmada Buurhakaba 2 days ago Load More ShareWararka24: Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa…




















