
Wararka24: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wajahaya xaalad siyaasadeed oo adag kaddib markii uu dib u soo celiyay xiriirkii Soomaaliya iyo Itoobiya, xilli labada dal ay sanadkii la soo dhaafay ku jireen khilaaf xooggan.
Tallaabadan ayaa dhalisay walaac xoogan oo ay muujiyeen dalalka Eritrea iyo Masar, kuwaas oo xiriirkoodu aan wa naagsaneyn Itoobiya.
Khamiistii la soo dhaafay, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay Muqdisho, halkaas oo uu wadahadallo kula yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xubno ka tirsan xukuumaddiisa. Booqashadan ayaa qeyb ka ahayd dadaallo dhexdhexaadin ah oo uu sameeyay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, oo taageero ka helaya xulafadiisa Yurub.
Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dejin lahaa xiisaddii ka dhalatay heshiiskii muranka dhaliyay ee Itoobiya iyo Somaliland ay kala saxiixdeen horraantii 2024, kaas oo Itoobiya u ogolaanayay marin badeed, saldhig ciidan oo 20km ah, iyo dekad ay isticmaasho.
Qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu sheegay in kulanka labada hoggaamiye lagu falanqeeyay xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo arrimaha bulshada.
Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa dhankiisa uga mahadceliyay dowladda Soomaaliya soo dhaweynta, isaga oo kulankii uu la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh ku tilmaamay mid miro dhal ah. Wuxuu sidoo kale bartiisa X ku sheegay in ay ka wada hadleen arrimaha nabadda, amniga, iyo iskaashiga dhaqaalaha.
Si kastaba, tallaabadan ayaa hurisay xiisado cusub, gaar ahaan dhanka Eritrea iyo Masar, oo ah dalal si weyn uga soo horjeeda Itoobiya. Sabtidii, wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Dr. Badr Abdelatty, ayaa gaaray caasimadda Eritrea ee Asmara, halkaas oo ay kulan kula qaateen Madaxweyne Isaias Afwerki.
Sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Meskel, shirkaasi waxa uu diiradda saaray arrimo ay ka mid yihiin dagaalka Soodaan, xasilloonida Soomaaliya, iyo caqabadaha amniga ee ka taagan Geeska Afrika iyo Badda Cas.



Wararka Ugu Aqrinta Badan…
Iran Oo Weerartay Saldhigyo Maraykanka Leeyahay iyo Xiisadda Gobolka Oo Sii Kacday

Wararka Ugu Aqrintabadan Iran Oo Weerartay Saldhigyo Maraykanka Leeyahay iyo Xiisadda Gobolka Oo Sii Kacday 8 hours ago Guddiga Xuquuqul Insaanka Oo Cambaareeyay Dilalka Ka Dhacay Sool Iyo Hiiraan 8 hours ago Load More…
Wasiir Fiqi Oo Ka Jawaabay Eedeymihii dilka ahaa oo Sanbaloolshe ujeediyay Dowladda

Wararka Ugu Aqrintabadan Wasiir Fiqi Oo Ka Jawaabay Eedeymihii dilka ahaa oo Sanbaloolshe ujeediyay Dowladda 8 hours ago Guddiga Xuquuqul Insaanka Oo Cambaareeyay Dilalka Ka Dhacay Sool Iyo Hiiraan 8 hours ago Load…
Guddiga Xuquuqul Insaanka Oo Cambaareeyay Dilalka Ka Dhacay Sool Iyo Hiiraan

Wararka Ugu Aqrintabadan Iran Oo Weerartay Saldhigyo Maraykanka Leeyahay iyo Xiisadda Gobolka Oo Sii Kacday 8 hours ago Wasiir Fiqi Oo Ka Jawaabay Eedeymihii dilka ahaa oo Sanbaloolshe ujeediyay Dowladda 8 hours ago Load…



















