Wararka24: 5-02-2026 Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay ansixinta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee dhameystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Wasaaraddu waxay sheegtay in tallaabadan ay tahay mid taariikhi ah oo lagu soo afjaray marxaladdii dastuurka ku-meelgaarka ahaa, isla markaana lagu saldhigay heshiis bulsho oo qeexaya awoodaha iyo waajibaadka hay’adaha federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.
Qoraal kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in ansixinta dastuurkan ay xoojinayso dowlad-wanaagga, isla xisaabtanka hay’adaha dowladda iyo midnimada qaranka.
“Ansixinta Dastuurkan waxay astaan u tahay marxalad cusub oo lagu xaqiijinayo dowlad ku dhisan sharci adag iyo kalsooni dadweyne, taas oo saldhig u ah shaqada Wasaaradda ee ku aaddan helidda maamullo ku yimaada rabitaan bulsho, horumarinta nidaamka federaalka, xoojinta dib-u-heshiisiinta iyo midnimada bulshada,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sidoo kale caddeysay inay ka go’an tahay hirgelinta qodobada dastuurka cusub si loo dardargeliyo dhismaha dowlad adag, mideysan oo waarta.

















