• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 26, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Mucaaradka la Heshiiyay Dowladda oo Caddeeyay Mowqifkooda Ansixinta Dastuurka

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
7 months ago
Reading Time: 2 mins read
Mucaaradka la Heshiiyay Dowladda oo Caddeeyay Mowqifkooda Ansixinta Dastuurka
Share

Wararka24: 5-02-2026 Xubno ka tirsan Golaha Samata-bixinta ee hore heshiiska ula gaaray Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bayaan wadajir ah ku caddeeyay mowqifkooda ku aaddan ansixinta wax ka beddelka iyo dhameystirka Dastuurka Soomaaliya oo ay shalay cod aqlabiyad leh ku meel mariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka.

Xubnahan oo kala ah madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke iyo wasiirkii hore ee warfaafinta Danjire Daahir Maxamuud Geelle ayaa si weyn u soo dhaweeyay dhameystirka dastuurka, iyagoo u mahadceliyay Baarlamaanka Federaalka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Bayaanka ay soo saareen ayaa lagu sheegay in tallaabada Baarlamaanka ay muujineyso biseyl siyaasadeed iyo dhowrista heshiisyadii qaran ee hore loo gaaray.

“Waxaan u aragnaa tallaabadan mid muujinaysa bisayl siyaasadeed, dhowrista heshiisyada qaran iyo xoojinta nidaamka dimuqraadiga ah ee ku dhisan wadatashi iyo isla xisaabtan,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Xubnaha Golaha Samata-bixinta ayaa sidoo kale ku baaqay in dowladda ay sii waddo wadahadal iyo wada-tashi qaran oo furan oo lala yeesho kooxaha mucaaradka iyo dhammaan daneeyayaasha siyaasadeed si loo gaaro is-afgarad ku saabsan qodobada ay u arkaan inay u baahan yihiin dib-u-eegis dheeraad ah.

Waxay ugu dambeyn ugu baaqeen dhammaan dhinacyada siyaasadeed in ay ka hormariyaan danaha qaranka kala aragti duwanaanta, isla markaana ay ka shaqeeyaan xasilloonida siyaasadeed, midnimada qaranka iyo hirgelinta dastuur loo dhan yahay.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.