• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 26, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Caalamka

Iiraan oo Weerartay Kooxo Kurdiyiin ah oo ku Sugan Waqooyiga Ciraaq

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
7 months ago
Reading Time: 2 mins read
Iiraan oo Weerartay Kooxo Kurdiyiin ah oo ku Sugan Waqooyiga Ciraaq
Share

Wararka24: 5-02-2026 Ciidamada Iiraan ayaa sheegay in ay weerarro gantaallo ah ku qaadeen saldhigyo ay leeyihiin kooxaha Kurdiyiinta ee mucaaradka ku ah dowladda Tehran, kuwaas oo ku sugan waqooyiga dalka Ciraaq.

Bayaan ay baahisay warbaahinta dowladda Iiraan ayaa lagu sheegay in ciidamada dalkaasi ay saddex gantaal ku beegsadeen “kooxo Kurdiyiin ah oo ka soo horjeeda kacaanka Iiraan” oo ku sugan dhulka Kurdistaan ee Ciraaq.

Weerarradan ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayaan duqeymaha ay Iiraan ka fulinayso deegaanada ay ku sugan yihiin kooxaha Kurdiyiinta ee mucaaradka ku ah dowladda, kuwaas oo ku kala yaalla gudaha Iiraan iyo waqooyiga Ciraaq.

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ugu yaraan hal qof uu ku dhintay saddex kalena ay ku dhaawacmeen weerarro ay ciidamada Iiraan Talaadadii iyo Arbacadii ku qaadeen laba saldhig oo ay leeyihiin kooxaha mucaaradka Kurdiyiinta.

Mid ka mid ah gantaallada ayaa la sheegay inuu ku dhacay saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada Peshmerga, taas oo dhaawacday afar askari, mid ka mid ahna uu markii dambe u geeriyooday dhaawacii soo gaaray. Weerarka ayaa sidoo kale burburiyay qayb ka mid ah dhismaha saldhigga.

Dhanka kale, saldhig ay leedahay xisbiga Democratic Party of Iranian Kurdistan (KDPI) ayaa la sheegay in lagu qaaday laba weerar oo diyaarado aan duuliye lahayn, kuwaas oo dhaawacay hal qof oo rayid ah.

Hoggaamiye sare oo ka tirsan KDPI ayaa sheegay in ay jirto cabsi laga qabo in dagaal cusub uu ka dhex qarxo gudaha Iiraan, iyadoo kooxaha Kurdiyiinta qaarkood ay sheegayaan inay diyaar u yihiin inay gudaha u galaan dalkaasi si ay ula dagaallamaan dowladda.

Kurdiyiinta ayaa lagu qiyaasaa inay gaarayaan 25 ilaa 35 milyan oo qof, kuwaas oo ku nool dalal dhowr ah oo Bariga Dhexe ku yaalla, oo ay ka mid yihiin Turkiga, Ciraaq, Suuriya iyo Iiraan, inkastoo aysan weligood helin dowlad madax-bannaan oo rasmi ah.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.