Wararka25: 21-02-2026 Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in Golaha Mustaqbalka uu dhab ka yahay in wadahadallo miro-dhal ah la la yeesho Dowladda Federaalka Soomaaliya, si xal siyaasadeed loogu helo is-mari-waaga taagan ee dalka.
Deni oo xalay kulan la yeeshay qaar kamid ah bulshada Gobolka Banaadir ayaa sheegay in heshiis siyaasadeed uu yahay danta guud ee dalka, si looga fogaado in culaysyo cusub lagu sii kordhiyo xaaladda adag ee Soomaaliya ku jirto. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in dhinacooda ay diyaar u yihiin tanaasul iyo wada-hadal dhab ah.
Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha doorashooyinka, isagoo sheegay in saddexda maamul-goboleed ee Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabeelle ay tahay in si degdeg ah loo qabto doorashooyin, maadaama muddo-xileedkoodii dhammaaday. Wuxuu sheegay in marka hore la xalliyo doorashooyinka heer dowlad-goboleed, kadibna loo gudbo doorashada heer federaal.
Dhanka kale, Deni ayaa muujiyay sida uu u jecel yahay caasimadda Muqdisho, isagoo sheegay in uu weli xiriir qiiro leh la leeyahay magaalada iyo dadkeeda, gaar ahaan degmada Howlwadaag oo uu hore u deggenaa. Wuxuu xusay in rabitaankiisu yahay in uu arko bulshada caasimadda, isla markaana ay dadka Soomaaliyeed yihiin walaalo.
Hadalladan ayaa ku soo beegmaya xilli la filayo in maanta dib loo sii ambaqaado wada-hadallada u dhexeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Golaha Mustaqbalka, kuwaas oo ka socda Xarunta Madaxtooyada. Wadahadallada ayaa diiradda lagu saarayaa hannaanka doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, iyadoo weli ay jiraan kala aragti duwanaansho ku saabsan qabashada doorasho qof iyo cod ah.


















