• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Xogtii ugu dambeysay shirka u dhexeeyay DF iyo Golaha Mustaqbalkaee Villa Soomaaliya

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
7 months ago
Reading Time: 3 mins read
Xasan Sheekh oo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed kuso dhaweeyey Madaxtooyada Qaranka
Share

Wararka25: 21-02-2026 Waxaa maanta dib u furmaya shirkii u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka, kaas oo hakad galay labadii maalmood ee lasoo dhaafay kaddib wada-tashiyo ay wadeen labada dhinac.

Shirka oo ah wejigiisii labaad ee ka dhacaya Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa mar kale waxaa guddoominaya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo ay ka qayb galayaan Ra’iisul Wasaaraha iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka.

Dhanka Golaha Mustaqbalka, waxaa maanta tegaya Villa Soomaaliya madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland, ra’iisul wasaareyaashii hore iyo xubnaha kale ee golaha.

Sida ay ilo xog-ogaal ahi sheegayaan, kulanka maanta diiradda lagu saari doono arrimaha doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, gaar ahaan xaaladda maamullada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle oo muddo dhaaf ku fadhiya xafiisyada. Mucaaradka ayaa dalbanaya in la qabto doorashooyin heshiis lagu yahay, halka Dowladda Federaalka ay ku adkeysaneyso qabashada doorasho qof iyo cod ah.

Waxaa sidoo kale la filayaa in maanta la isku dayo in la kala caddeeyo nooca doorasho ee laga qabanayo maamul-goboleedyada waqtigoodu dhammaaday, arrintaas oo ah qodobka ugu weyn ee muranka dhalinaya. Labada dhinac ayaa isku afgartay in la sii wado wada-hadallada si xal looga gaaro kala aragti duwanaanshaha taagan, oo salka ku haya hanaanka doorashooyinka iyo wax-ka-beddelka dastuurka.

Shirkan ayaa ku soo aadaya xilli xasaasi ah oo dalka ay ka jiraan abaaro baahsan iyo xaalado bani’aadannimo oo saameeyay dad badan. Beesha caalamka ayaa si dhow ula socota wadahadalladan, iyadoo cadaadis saaraysa dhinacyada inay gaaraan heshiis siyaasadeed oo lagu soo afjaro is-mari-waaga jira.

Warar aan weli si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sidoo kale sheegaya in marxaladaha dambe ee shirka lagu soo dari karo qaar ka mid ah qaybaha bulshada rayidka ah. Natiijada kasoo baxda kulamadan ayaa la filayaa inay door weyn ka qaadato jihada siyaasadeed ee dalka iyo xal u helidda khilaafaadka ragaadiyay geeddi-socodka dowlad-dhiska.


Share

Recommended

Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Muungaab oo booqday xerada TurkSom+sawiro

Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Muungaab oo booqday xerada TurkSom+sawiro

4 months ago
Imaaraadka

Imaaraadka oo Lagu Eedeeyay Qorshe Ka Dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh

1 year ago
Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana

Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana. maxay tahay?

1 year ago
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Oo farin cusub udiray shacabka soomaliyeed, Kadib Weerarli Baledweyne?

2 years ago
Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub

Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub

6 months ago
Dowladda Turkiga

Turkiga oo Diyaarado cusub oo kale Ku wareejiyey DF Soomaaliya

1 year ago
Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan Sheekh ka damacsan yahay deegaannadeeda.

Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan Sheekh ka damacsan yahay deegaannadeeda.

7 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.