• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
5 months ago
Reading Time: 3 mins read
Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub
Share

Wararka24: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa shaaciyay in maamulka Koonfur Galbeed uu galay marxalad cusub oo lagu wajahayo doorasho qof iyo cod ah, kadib isbeddelladii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Baydhabo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda aysan oggolaan doonin wax qalalaase ah ama aargoosi siyaasadeed, isla markaana la xaqiijin doono amniga guud ee magaalada Baydhabo oo ay hadda gacanta ku hayaan ciidamada dowladda.

Wuxuu tilmaamay in shacabka Koonfur Galbeed ay heli doonaan hoggaan ay si xor ah u doortaan, isagoo sheegay in aan la aqbali doonin in mar kale lagu celiyo nidaamyo hore oo lagu soo xuli jiray hoggaanka.

“Dadka reer Koonfur Galbeed waxay yeelan doonaan madax aan lagu qasbin, balse ay iyagu soo doortaan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Sidoo kale, wuxuu si cad u sheegay in aan laga oggolaan doonin Baydhabo iyo guud ahaan Koonfur Galbeed wax doorasho ah oo aan ahayn qof iyo cod, isagoo uga digay siyaasiyiinta ka aragti duwan qorshaha dowladda.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay la wareegeen magaalada Baydhabo, kadib dhaqdhaqaaqyo militari oo maalmahan ka socday gobolka Baay.

Dhanka kale, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa la sheegay inuu u duulay dalka Kenya, isagoo horay u magacaabay ku-simaha madaxweynaha Koonfur Galbeed si uu u sii wado maamulka inta xal laga gaarayo xaaladda taagan.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa hadda qorsheynaysa inay hirgeliso maamul cusub oo ku dhisan nidaamka doorasho qof iyo cod ah, inkastoo ay arrintan ka hor yimaadeen qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka iyo madaxda dowlad-goboleedyada qaarkood.

DAAWA


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.