Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa shaaciyay in maamulka Koonfur Galbeed uu galay marxalad cusub oo lagu wajahayo doorasho qof iyo cod ah, kadib isbeddelladii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Baydhabo.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
March 31, 2026, 2:56 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa shaaciyay in maamulka Koonfur Galbeed uu galay marxalad cusub oo lagu wajahayo doorasho qof iyo cod ah, kadib isbeddelladii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Baydhabo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda aysan oggolaan doonin wax qalalaase ah ama aargoosi siyaasadeed, isla markaana la xaqiijin doono amniga guud ee magaalada Baydhabo oo ay hadda gacanta ku hayaan ciidamada dowladda.

Wuxuu tilmaamay in shacabka Koonfur Galbeed ay heli doonaan hoggaan ay si xor ah u doortaan, isagoo sheegay in aan la aqbali doonin in mar kale lagu celiyo nidaamyo hore oo lagu soo xuli jiray hoggaanka.

“Dadka reer Koonfur Galbeed waxay yeelan doonaan madax aan lagu qasbin, balse ay iyagu soo doortaan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Sidoo kale, wuxuu si cad u sheegay in aan laga oggolaan doonin Baydhabo iyo guud ahaan Koonfur Galbeed wax doorasho ah oo aan ahayn qof iyo cod, isagoo uga digay siyaasiyiinta ka aragti duwan qorshaha dowladda.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay la wareegeen magaalada Baydhabo, kadib dhaqdhaqaaqyo militari oo maalmahan ka socday gobolka Baay.

Dhanka kale, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa la sheegay inuu u duulay dalka Kenya, isagoo horay u magacaabay ku-simaha madaxweynaha Koonfur Galbeed si uu u sii wado maamulka inta xal laga gaarayo xaaladda taagan.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa hadda qorsheynaysa inay hirgeliso maamul cusub oo ku dhisan nidaamka doorasho qof iyo cod ah, inkastoo ay arrintan ka hor yimaadeen qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka iyo madaxda dowlad-goboleedyada qaarkood.

DAAWA


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

18 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

18 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

4 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.