Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

17 ka mid ah madaxda Shabaab ayay DF oo shaacisay in la dilay

Wararka25: 23-02-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in lixdii bilood ee la soo dhaafay lagu dilay 17 ka mid ah madaxda iyo saraakiisha sare ee kooxda Al-Shabaab, sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Daa’uud Aweys.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
February 23, 2026, 9:03 am EAT
Reading Time: 2 mins read
NISA ayaa sheegtay in howlgal qorsheysan lagu beegsaday sarkaal ka tirsan Al-Shabaab
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka25: 23-02-2026  Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in lixdii bilood ee la soo dhaafay lagu dilay 17 ka mid ah madaxda iyo saraakiisha sare ee kooxda Al-Shabaab, sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Daa’uud Aweys.

Wasiirka ayaa qoraal ku sheegay in ciidamada ammaanka iyo kuwa qaranka ay sii wadi doonaan hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, isaga oo xusay in dowladda ay ka go’an tahay la dagaallanka kooxaha hubeysan. Waxa uu tilmaamay in dilalkaas ay ka dhasheen hawlgallo qorshaysan oo laga fuliyay deegaanno kala duwan.

Hawlgallada la soo xusay waxaa ka mid ahaa mid ay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ka fulisay degmada Jilib bishii Janaayo 2026, halkaas oo lagu dilay Cabdullaahi Cismaan Maxamed oo loo yaqaanay Injineer Ismaaciil, kaas oo lagu sheegay inuu ahaa mas’uul sare oo ka tirsanaa shabakadda qaraxyada ee Al-Shabaab.

Sidoo kale, hawlgal kale oo laga fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu dilay Axmed Dhubad Xidig oo loo yaqaanay Sheekh Aadan Dheere, oo saraakiisha amniga ku tilmaameen inuu ahaa mas’uul ka tirsanaa dhinaca maaliyadda ee kooxda.

Dhawr maalmood ka hor hawlgalkaasna, waxaa la dilay Cabdullaahi Xasan Cabdi Cosoble oo la sheegay inuu ahaa sarkaal sare oo maaliyadeed.

Wasiirka Warfaafinta ayaa mar kale ku baaqay in xubnaha Al-Shabaab ay ka tanaasulaan falalka hubeysan, isaga oo sheegay in dowladda ay diyaar u tahay inay soo dhaweyso kuwa isa soo dhiiba, loona diyaariyay barnaamijyo dhaqan-celin iyo dib-u-la-qabsasho bulsho.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii socon doonaan, xilli ay ciidamada qaranka kaashanayaan saaxiibada caalamiga ah si loo xoojiyo amniga iyo xasilinta deegaannada laga xoreeyay.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

3 hours ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

4 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

4 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

4 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

5 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

5 hours ago
Madaxweyne Ruto ee Kenya iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, sawirro kala duwan

Madaxweyne Ruto oo Moscow u ambabaxay, iyo la kulanka Putin

5 hours ago
AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.