Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Shirkii u dhexeeyay Xasan iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo furmay

Wararka25: 22-02-2026 Waxaa maanta mar kale Xarunta Villa Soomaaliya ka furmay kulan labaad oo u dhexeeya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kaas oo looga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
February 22, 2026, 1:33 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Xasan Sheekh oo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed kuso dhaweeyey Madaxtooyada Qaranka
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka25: 22-02-2026 Waxaa maanta mar kale Xarunta Villa Soomaaliya ka furmay kulan labaad oo u dhexeeya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kaas oo looga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Kulanka oo ah mid xasaasi ah, isla markaana dib u dhacay laba jeer oo hore, ayaa waxaa guddoominaya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Waxaa sidoo kale goobjoog ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, Agaasimaha Hay’adda NISA, iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka.

Dhinaca Golaha Mustaqbalka, shirka waxaa ka qeyb-galaya xubnaha Madasha Samatabixinta iyo madaxweynayaasha maamul-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, kuwaas oo goordhow gaaray Xarunta Madaxtooyada Qaranka, halkaas oo si rasmi ah loogu soo dhaweeyay.

Labada dhinac ayaa maalmahan waday wada-tashiyo gaar gaar ah oo ku aaddan qaabka wada-hadallada, iyadoo Golaha Mustaqbalka ka laabtay go’aankii ay hore ugu diideen in ay si toos ah ula fariistaan dowladda. Golaha ayaa sidoo kale meesha ka saaray guddigii gaarka ahaa ee ay u xil-saareen wada-xaajoodka, iyagoo go’aansaday in ay si buuxda uga qeyb-galaan shirka ka socda Villa Soomaaliya.

Ajendaha kulanka maanta ayaa diiradda saaraya hannaanka doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, gaar ahaan xaaladda maamul-goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabeelle oo muddo-xileedkoodii dhammaaday. Golaha Mustaqbalka ayaa doonaya doorashooyin lagu heshiiyo, halka Dowladda Federaalka ay ku adkeysaneyso qabashada doorasho qof iyo cod ah.

Shirkan ayaa ku soo aadaya xilli xasaasi ah oo dalka wajahayo abaaro baahsan iyo xaalado bani’aadannimo, iyadoo Beesha Caalamkuna si dhow ula socoto wada-hadallada, kana dalbaneysa dhinacyada in ay gaaraan heshiis siyaasadeed.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

20 hours ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

20 hours ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

21 hours ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

21 hours ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

2 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

2 days ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad ka abuuray Soomaaliya iyo Kenya

2 days ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.