• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, January 23, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

RW ku Xigenka Saalax Axmed Jaamac oo Soomaaliya ku matalay Shir ka dhacay Brazil..

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
3 months ago
Reading Time: 2 mins read
RW ku Xigenka Saalax Axmed Jaamac oo Soomaaliya ku matalay Shir ka dhacay Brazil..
Share

Belem – Wararka24: Ra’iisul Wasaare ku xigeenka koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa magaalada Belem ee dalka Brazil kaga qayb galay Shirka Caalamiga ah ee Isbeddelka Cimilada (COP30), isagoo ku baaqay in la qaado tallaabooyin degdeg ah oo lagu yareynayo saameynta sii kordheysa ee cimilada isbedelaysa.

Shirka cimilada aduunka ee ka dhacay brazil ee COP30 photo sntv

Saalax Axmed Jaamac, oo khudbad ka jeediyay madasha, ayaa sheegay in Soomaaliya ay kamid tahay dalalka ugu nugul saameynta cimilada, gaar ahaan abaaraha soo noqnoqda iyo wasakhowga hawada oo sababay xaalado adag oo nololeed.

“Cimilada isbeddelaysa waxay si toos ah u saameysay nolosha shacabka Soomaaliyeed, iyadoo abaaro, fatahaado iyo nabaad-guur soo noqnoqda ay dhaawaceen dhaqaalaha iyo nolosha bulshada,” ayuu yiri Saalax Axmed.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sidoo kale carrabaabay qorshaha Soomaaliya ee NDC iyo Qorshaha La-qabsiga Cimilada, kuwaas oo qayb ka ah Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029). Wuxuu xusay in qorshahani diiradda saarayo afar qodob oo waaweyn:

  1. La-qabsiga isbeddelka cimilada.
  2. Maalgelinta cimilada iyo mashaariicda deegaanka.
  3. Khasaaraha iyo magdhowga.
  4. Kobcinta tamarta nadiifta ah.

Wuxuu beesha caalamka ugu baaqay inay si dhab ah u taageeraan Soomaaliya iyo dalalka kale ee nugul, si loo yareeyo khasaaraha iyo halista ka dhalata isbeddelka cimilada, loona xaqiijiyo mustaqbal deegaan oo waara.

Shirka cimilada aduunka ee ka dhacay brazil ee COP30 photo sntv

“Wadamada dakhligoodu hooseeyo, sida Soomaaliya, waxay u baahan yihiin maalgelin, aqoon iyo iskaashi caalami ah si ay u maareeyaan khataraha sii kordhaya ee cimilada,” ayuu raaciyay Saalax Axmed Jaamac.

Shirka COP30 ee ka socda magaalada Belem ayaa lagu wadaa in lagu gaaro heshiisyo cusub oo caalami ah oo la xiriira dhimista qiiqa wasakhda hawada iyo maalgelinta mashaariicda deegaanka ee dalalka soo koraya.


Share
Tags: Brazil shirka cimilada cop30wararka mantawararka somalia
Previous Post

War kasoo baxay Koox burcad-badeed Soomaali ah oo shalay markab qabsaday?

Next Post

Somaliland oo soo saartay 18 qodob oo cusub…

Yasmin Jamal

Yasmin Jamal

Yasmiin waa qoraa si joogto ah Wararka24 uga qora wararka deg-dega ah ee marka tagan guud ahaan Soomaaliya iyo Geeska Afrika iyo caalamka.

Related Posts

Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya Oo qirtay In Aan La Jarin Xiriirka Guud Ee Imaaraadka Carabta

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in go’aankii ay dhowaan ku burisay heshiisyada difaaca iyo amniga ee...

Putin Oo kulan kula yeshay Moscow ergayada Mareykanka xili habeenimo damba ah.

Putin Oo kulan kula yeshay Moscow ergayada Mareykanka xili habeenimo damba ah.

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa xalay kulan saacado qaatay xili habeenimo kula yeeshay Moscow, ergayal sare...

Wilkie

Wilkie: Waxaan u maleynayaa putin kama tanaasuli doona arintaan ilaa uu ka dhinto

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Haba yaraatee kalsooni kuma qabo in Putin uu ka tanaasuli doono qodobbo muhiim ah oo ku jira wadahadalladan,...

Fiqi

Fiqi: marnaba kama tanaasulidoona ilaalinta madaxbannaanida dalka somaliyeed

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan marnaba ka tanaasuli doonin...

Guban

DF Soomaaliya Oo Ka Hadashay Dhismaha Maamulka Cusub Ee Guban State

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay ku dhawaaqista maamulka cusub ee Guban State, kaasi oo xildhibaanno...

Xasan Sheekh

UK Oo Farriin U Dirtay Golaha Mustaqbalka somaliyeed Kadib Casuumaadda Xasan Sheekh

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Dowladda Ingiriiska ayaa soo dhoweysay gogosha wadatashi qaran ee uu fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud,...

Load More
Next Post
Somaliland oo soo saartay 18 qodob oo cusub…

Somaliland oo soo saartay 18 qodob oo cusub...

Somaliland oo afar qodob ka soo saartay arrimaha eVisa iyo maamulka hawada..

Somaliland oo afar qodob ka soo saartay arrimaha eVisa iyo maamulka hawada..

Maamulka Gobolka Banaadir oo beeniyay in shaqaalaha lagu qasbay inay ku biiraan ururro siyaasadeed

Maamulka Gobolka Banaadir oo beeniyay in shaqaalaha lagu qasbay inay ku biiraan ururro siyaasadeed

Recommended

Gobolka Shabellaha Dhexe

Gobolka Shabellaha Dhexe, Al Shabaab oo La Wareegtay Degmada Ceelbaraf..

11 months ago
Mareykanka

Mareykanka oo Cadaadis Cusub Saaray Netanyahu + SABABTA

8 months ago
Soomaaliya

DF Soomaaliya oo Indhaha Ka Qarsaneysa Qorsheyaal Khatar ah oo Imaaraadku Ka Wado Gudaha Dalka

8 months ago
Dowladda Turkiga

Turkiga oo Diyaarado cusub oo kale Ku wareejiyey DF Soomaaliya

8 months ago
Shariif Sheekh Axmed

Shariif Sheekh Axmed oo fariin udiray shacabka soomaliyeed Kadib weerarki al-shabaab ee baledweyne?

11 months ago
Soomaaliya

DW: Soomaaliya Oo Ka Fikiraysa Tallaabo Militari Oo Ka Dhan Ah Gooni-goosadka?

2 weeks ago
Sanbaloolshe

Agaasimaha NISA Sanbaloolshe oo Muqdisho ku Soo Laabtay iyo Kulan Muhiim ah, Faahfahin?

8 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.