• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

RW ku Xigenka Saalax Axmed Jaamac oo Soomaaliya ku matalay Shir ka dhacay Brazil..

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
11 months ago
Reading Time: 3 mins read
RW ku Xigenka Saalax Axmed Jaamac oo Soomaaliya ku matalay Shir ka dhacay Brazil..
Share

Belem – Wararka24: Ra’iisul Wasaare ku xigeenka koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa magaalada Belem ee dalka Brazil kaga qayb galay Shirka Caalamiga ah ee Isbeddelka Cimilada (COP30), isagoo ku baaqay in la qaado tallaabooyin degdeg ah oo lagu yareynayo saameynta sii kordheysa ee cimilada isbedelaysa.

Shirka cimilada aduunka ee ka dhacay brazil ee COP30 photo sntv

Saalax Axmed Jaamac, oo khudbad ka jeediyay madasha, ayaa sheegay in Soomaaliya ay kamid tahay dalalka ugu nugul saameynta cimilada, gaar ahaan abaaraha soo noqnoqda iyo wasakhowga hawada oo sababay xaalado adag oo nololeed.

“Cimilada isbeddelaysa waxay si toos ah u saameysay nolosha shacabka Soomaaliyeed, iyadoo abaaro, fatahaado iyo nabaad-guur soo noqnoqda ay dhaawaceen dhaqaalaha iyo nolosha bulshada,” ayuu yiri Saalax Axmed.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sidoo kale carrabaabay qorshaha Soomaaliya ee NDC iyo Qorshaha La-qabsiga Cimilada, kuwaas oo qayb ka ah Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029). Wuxuu xusay in qorshahani diiradda saarayo afar qodob oo waaweyn:

  1. La-qabsiga isbeddelka cimilada.
  2. Maalgelinta cimilada iyo mashaariicda deegaanka.
  3. Khasaaraha iyo magdhowga.
  4. Kobcinta tamarta nadiifta ah.

Wuxuu beesha caalamka ugu baaqay inay si dhab ah u taageeraan Soomaaliya iyo dalalka kale ee nugul, si loo yareeyo khasaaraha iyo halista ka dhalata isbeddelka cimilada, loona xaqiijiyo mustaqbal deegaan oo waara.

Shirka cimilada aduunka ee ka dhacay brazil ee COP30 photo sntv

“Wadamada dakhligoodu hooseeyo, sida Soomaaliya, waxay u baahan yihiin maalgelin, aqoon iyo iskaashi caalami ah si ay u maareeyaan khataraha sii kordhaya ee cimilada,” ayuu raaciyay Saalax Axmed Jaamac.

Shirka COP30 ee ka socda magaalada Belem ayaa lagu wadaa in lagu gaaro heshiisyo cusub oo caalami ah oo la xiriira dhimista qiiqa wasakhda hawada iyo maalgelinta mashaariicda deegaanka ee dalalka soo koraya.


Share

Recommended

Mareykanka

DEGDEG: Muxu yahay Xirirka ka dhaxeeya xuutiyiiinta iyo Shabaabku + Mareykanka iyo QM oo goan culus ka soosaaray..

2 years ago
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

3 months ago
Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

6 months ago
Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

8 months ago
Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

1 year ago
RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

8 months ago
Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

12 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.