• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Caalamka

Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
8 months ago
Reading Time: 3 mins read
Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..
Share

Wararka24: 29-01-2026 Ciidamada ammaanka iyo sirdoonka Turkiga (MIT) ayaa shaaciyay inay fashiliyeen shirqool basaasnimo oo halis ah, kaas oo la xiriiray sirdoonka Iran, kadib howlgal ballaaran oo laga fuliyay shan gobol oo dalkaas ka tirsan.

Sida uu qoray wargeyska Daily Sabah, lix qof ayaa la qabtay Arbacadii, kuwaas oo lagu eedeeyay inay qorsheynayeen ururinta xog xasaasi ah oo ku saabsan saldhigga cirka ee Incirlik ee gobolka Adana, oo ah xarun istiraatiiji ah oo si wadajir ah u maamulaan Turkiga iyo Mareykanka. Shabakadda la qabtay ayaa la sheegay inay hoggaaminayeen laba wakiil oo sirdoonka Iran ka tirsan, kuwaas oo magacyadooda loo yaqaanay “Haji” iyo “Doctor”.

Baaritaanno hordhac ah ayaa muujiyay in eedeysanayaashu ay qorsheynayeen inay sawirro iyo muuqaallo ka duubaan gudaha iyo hareeraha saldhigga Incirlik, iyagoo adeegsanaya farsamooyin basaasnimo. Shan ka mid ah dadka la qabtay ayaa u dhashay Turkiga, halka mid kalena uu yahay muwaadin Iiraani ah, waxaana lagu soo oogay dacwado la xiriira helitaanka xog sir ah oo dowladeed ujeeddo basaasnimo awgeed.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in qaar ka mid ah xubnaha shabakadda ay tababaro gaar ah oo ku saabsan adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) ku soo qaateen gudaha Iran intii u dhaxaysay Agoosto iyo Sebtembar 2025. Sidoo kale, waxaa la ogaaday in shabakadda ay isku dayday inay drones hubeysan u dhoofiso Jamhuuriyadda Qubrus (Koonfurta), oo lagu tuhunsan yahay inay xarun u noqotay hawlgallada sirdoonka Mareykanka iyo Ingiriiska xilliyadii dambe.

Mid kamid ah eedeysanayaasha u dhashay Turkiga ayaa qirtay in loo soo bandhigay qorshe lagu beegsanayo, laguna khaarajinayo mucaarad ku sugan Turkiga oo ka soo horjeeda nidaamka Iran.

Dhacdadan ayaa kusoo aadeysa xilli ay sii kordhayso xiisadda u dhaxeysa Washington iyo Tehran. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu miiska saaray xulashooyin milatari, kadib caburinta xooggan ee ay Iran kula kacday dibadbaxyada dowladda looga soo horjeedo. Dhanka kale, Mareykanka ayaa xoojiyay joogitaankiisa milatari ee Bariga Dhexe, iyadoo markabka diyaaradaha xambaara ee USS Abraham Lincoln uu gaaray biyaha gobolka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Iran, Maxamed Baqir Ghalibaf, ayaa dhawaan ku hanjabay in Tehran ay qaadi karto weerarro ka hortag ah haddii ay dareento khatar soo fool leh, isagoo sheegay in dhammaan saldhigyada iyo maraakiibta Mareykanka ee gobolka ay noqon doonaan bartilmaameed “sharci ah”.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.