Wararka24: Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka, Sergey Lavrov, ayaa sheegay in ruushka iyo Mareekanka ay isku afgarteen dhowr qodob, si loo sii amba-qaado wada hadalada nabadda ee Ukraine.

Wasiirka ayaa shaaciyay in labada dhinac ay shirkii Riyadh ku heshiiyeen dhowr mowduuc oo mabda’ ahaan aan laga tallaabi karin. Lavrov ayaa tilmaamay in lagu heshiiyay soo celinta shaqaalaha diblomaasiyadda, in la bilaabo hannaan wada hadal oo lagu soo afjarayo colaadda Ukraine, iyo in laga wada shaqeeyo qaban-qaabada kulan ay yeeshaan labada Madaxweyne.
“Waxa kale oo ruushka iyo Mareekanka ay ku heshiiyay in la bilaabo qaadista cunaqabateynta Mareykanka ee Ruushka,” ayuu yiri Sergey Lavrov. Wasiirka ayaa intaa raaciyay, “Waxaan aaminsanahay in wada hadaladu ay ahaayeen kuwo faa’iido leh oo wax dhisaya.”
Dowladdii Madaxweyne Joe Biden ayaa cunaqabateyno is daba joog ah saartay Ruushka, iyadoo laga jawaabayo duulaankiisii Ukraine. Ruushka ayay ciidamadiisa 24-kii bishii February ee sanadkii 2022 ay ku duuleen dalka ay deriska yihiin ee Ukraine, ka dib markii uu xoogeystay xiriirka iyo iskaashiga ay Ukraine la leedahay NATO, taas oo Moscow ay ku sheegtay mid khatar ku ah ammaankeeda.
Ruushka ayaa xulafada NATO ku eedeeyay inay ku soo fideen xuduudihiisa, taasna ay baalmarsan tahay wixii ay labada dhinac ku heshiiyeen, ee ahaa inaysan xuduudihiisa ka soo ag-dhawaan.
Wasiir Lavrov ayaa sheegay in Ruushku aanu aqbali doonin in ciidan nabad ilaalineed oo ka socdo dalalka NATO la keeno Ukraine, waxa uu intaasi ku daray inaysan xitaa ogolaan doonin in Ukraine ay ku biirto xulafada NATO. Lavrov ayaa xusay in Ukraine oo ku biirta NATO ay khatar toos ah ku tahay ammaanka Ruushka.
Lavrov ayaa shegay in Ukraine ku biiristeeda NATO ay tahay sababta ka dambeysay inuu Ruushka ku duulo dalkaasi 2022di.
Donald Trump, Madaxweynaha Mareykanka, ayaa doonaya in la soo afjaro dagaalka Ukraine, iyadoo aysan Ukraine qayb ka ahayn wada hadalada. Ukraine iyo xulafadeeda Yurub ayaa qaadacay qaabka uu Trump u wajahayo wada hadalka. Reer Yurub ayaa walaac xoogan ka muujiyay inaysan iyaga iyo Kyiv-ba wax boos ah ku lahayn wada-xaajoodkan..
Shirka ruushka iyo Mareekanka ay ku heshiiyeen ayaa uga furmay dalka Sacuudiga kaas oo gogol-xaar u ahaa in nabad ay ka dhacdo dalka Ukraine,
Ka dib saddex sano oo dagaal ah. Shirkan ayaa noqonaya wada hadalkii ugu horreyay ee toos ah ee ay yeeshaan Moscow iyo Washington, tan iyo markii Ciidamada Ruushka ay duulaanka ku qaadeen Ukraine..
Farmaajo oo ka digay halista xiisadda Koonfur Galbeed

Wararka Ugu Aqrintabadan Farmaajo oo ka digay halista xiisadda Koonfur Galbeed 7 hours ago Kumaandooska Gorgor oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Dhexe 14 hours ago Load More ShareWararka24: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda sii cakirmeysa ee ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo uu kasii darayo khilaafka
Mareykanka oo farriin u diray Iran iyo Tehran oo xaqiijisay helitaankeeda

Wararka Ugu Aqrintabadan Mareykanka oo farriin u diray Iran iyo Tehran oo xaqiijisay helitaankeeda 7 hours ago Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan 13 hours ago Load More ShareWararka24: Mareykanka ayaa farriin u diray Iiraan isaga oo adeegsanaya dalal dhexdhexaad ah, iyadoo Tehran ay xaqiijisay in ay heshay farriintaas, sida ay warisay CBS
Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan

Wararka Ugu Aqrintabadan Mareykanka oo farriin u diray Iran iyo Tehran oo xaqiijisay helitaankeeda 7 hours ago Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan 13 hours ago Load More ShareWararka24: Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Koongareeska Mareykanka ayaa si adag u cambaaraysay weerarrada Israa’iil ka waddo Lubnaan, iyadoo ku baaqday in si degdeg




















