
Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay shaacisay in Puntland Waa Diiday Inay Dowladda Ka Caawiso Dagaalka Ka Dhanka Ah Daacish ee ka socda gobollada waqooyi-bari ee dalka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland, Saciid Deni, uu diiday in dowladda federaalka ay gacan ka geysato dagaalka socda. “Waxaan haynaa caddeymo muujinaya in dowladda albaabada laga xirtay, iyadoo haddana nalagu eedeynayo inaanan kaalin ka qaadan dagaalka,” ayuu yiri Wasiir Fiqi, isagoo maamulka Puntland ku eedeeyay in ay xannibeen kaalmada dowladda federaalka.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda federaalka lagu dhaliilayo in aysan qaadan doorkii looga baahnaa dagaalka socda.


Inkasta oo uu jiro khilaaf siyaasadeed oo labada dhinac u dhexeeya, haddana waxa loo baahnaa in la iska kaashado dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ah ee dalka dhibaateynaya. Waa masuuliyad saaran qof kasta in uu gacan ka geysto difaaca amniga qaranka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda wuxuu xusay in ay hayaan caddeymo cad, ayna Puntland diiday in dowladda federaalka ay ka caawiso dagaalka, inkastoo ay hore u jirtay xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysay labada dhinac.
Farmaajo oo ka digay halista xiisadda Koonfur Galbeed

Wararka Ugu Aqrintabadan Farmaajo oo ka digay halista xiisadda Koonfur Galbeed 7 hours ago Kumaandooska Gorgor oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Dhexe 14 hours ago Load More ShareWararka24: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda sii cakirmeysa ee ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo uu kasii darayo khilaafka
Mareykanka oo farriin u diray Iran iyo Tehran oo xaqiijisay helitaankeeda

Wararka Ugu Aqrintabadan Mareykanka oo farriin u diray Iran iyo Tehran oo xaqiijisay helitaankeeda 7 hours ago Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan 13 hours ago Load More ShareWararka24: Mareykanka ayaa farriin u diray Iiraan isaga oo adeegsanaya dalal dhexdhexaad ah, iyadoo Tehran ay xaqiijisay in ay heshay farriintaas, sida ay warisay CBS
Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan

Wararka Ugu Aqrintabadan Mareykanka oo farriin u diray Iran iyo Tehran oo xaqiijisay helitaankeeda 7 hours ago Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan 13 hours ago Load More ShareWararka24: Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Koongareeska Mareykanka ayaa si adag u cambaaraysay weerarrada Israa’iil ka waddo Lubnaan, iyadoo ku baaqday in si degdeg




















