
Wararka24: Markabka Turkiga, Oruç Reis oo haatan ka wada baarista shidaalka xeebaha Soomaaliya, ayaa la kulmay caqabad weyn oo la xiriirta qashin lagu daadiyay badda, sida uu shaaciyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha oo ka hadlayay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in qashinkaasi caqabad ku noqday howlaha baarista, isla markaana warbixinaha ay heleen muujinayaan halis weyn oo arrintan ka dhalatay.



Qalabka kalluumaysiga ee badda lagu tuuray, sida shabaagaha, ayaa sababay dhibaato ballaaran. Ma aha qashin kiimiko ah sida aan hore uga caban jirnay, balse waa qalab kalluumaysi oo looga tegay badda markii ay maraakiibta shisheeye jalaabteen, ayuu yiri Madaxweynaha.
Wuxuu tilmaamay in maraakiibta kalluumaysiga ay kalluunka geyaan dekado caalami ah, balse qalabka ay isticmaalaan aysan la tegi karin maadaama uu mamnuuc ka yahay, taas beddelkeedana ay uga tagaan badaha Soomaaliya.
Dhibaato xooggan ayay nagu hayaan. Ma aha oo kaliya in khayraadkeenna la dhacayo, balse sidoo kale deegaanka iyo baddeenna ayay wax u dhimayaan,” ayuu raaciyay.
Madaxweynaha ayaa xusay in, inkasta oo ay jiraan caqabado, haddana heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga uu weli si habsami leh u socdo, si loo dardar-geliyo qorshaha ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya..
Trending News
- Shiinaha oo maraakiib dagaal oo cusub u diraya Gacanka Cadmeed
- Itoobiya oo ciidamadeeda AUSSOM kala baxday degmada Buurhakaba
- Doorashada guddoomiyaha golaha shacabka oo berri ka dhaceysa Muqdisho
- Puntland oo la wareegtay taliskii saddexaad ee ciidama ka amarqaata DF oo ku yaalla Carmo
- Madaxweyne Cirro oo Soomaaliya ku eedeeyay faragelin lagu hayo Somaliland
Shiinaha oo maraakiib dagaal oo cusub u diraya Gacanka Cadmeed

Wararka Ugu Aqrintabadan Shiinaha oo maraakiib dagaal oo cusub u diraya Gacanka Cadmeed 14 hours ago Itoobiya oo ciidamadeeda AUSSOM kala baxday degmada Buurhakaba 2 days ago Load More ShareWararka24: Shiinaha ayaa bartamaha bishan Agoosto u diri doona maraakiib dagaal oo cusub Gacanka Cadmeed iyo biyaha Soomaaliya, si ay uga qeyb qaataan ilaalinta maraakiibta ganacsiga…
Itoobiya oo ciidamadeeda AUSSOM kala baxday degmada Buurhakaba

Wararka Ugu Aqrintabadan Shiinaha oo maraakiib dagaal oo cusub u diraya Gacanka Cadmeed 14 hours ago Itoobiya oo ciidamadeeda AUSSOM kala baxday degmada Buurhakaba 2 days ago Load More ShareWararka24: Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ahaa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa ka baxay degmada Buurhakaba ee gobolka Bay, iyadoo mas’uuliyadda amniga saldhigga degmada…
Doorashada guddoomiyaha golaha shacabka oo berri ka dhaceysa Muqdisho

Wararka Ugu Aqrintabadan Shiinaha oo maraakiib dagaal oo cusub u diraya Gacanka Cadmeed 14 hours ago Itoobiya oo ciidamadeeda AUSSOM kala baxday degmada Buurhakaba 2 days ago Load More ShareWararka24: Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa inay berri ka dhacdo magaalada Muqdisho, iyadoo maanta la soo gabagabeeyay diyaar-garowga goobta iyo…




















