
Wararka24: Markabka Turkiga, Oruç Reis oo haatan ka wada baarista shidaalka xeebaha Soomaaliya, ayaa la kulmay caqabad weyn oo la xiriirta qashin lagu daadiyay badda, sida uu shaaciyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha oo ka hadlayay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in qashinkaasi caqabad ku noqday howlaha baarista, isla markaana warbixinaha ay heleen muujinayaan halis weyn oo arrintan ka dhalatay.



Qalabka kalluumaysiga ee badda lagu tuuray, sida shabaagaha, ayaa sababay dhibaato ballaaran. Ma aha qashin kiimiko ah sida aan hore uga caban jirnay, balse waa qalab kalluumaysi oo looga tegay badda markii ay maraakiibta shisheeye jalaabteen, ayuu yiri Madaxweynaha.
Wuxuu tilmaamay in maraakiibta kalluumaysiga ay kalluunka geyaan dekado caalami ah, balse qalabka ay isticmaalaan aysan la tegi karin maadaama uu mamnuuc ka yahay, taas beddelkeedana ay uga tagaan badaha Soomaaliya.
Dhibaato xooggan ayay nagu hayaan. Ma aha oo kaliya in khayraadkeenna la dhacayo, balse sidoo kale deegaanka iyo baddeenna ayay wax u dhimayaan,” ayuu raaciyay.
Madaxweynaha ayaa xusay in, inkasta oo ay jiraan caqabado, haddana heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga uu weli si habsami leh u socdo, si loo dardar-geliyo qorshaha ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya..
Trending News
- FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka
- Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista
- Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya
- Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya
- Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

Hay’adda Dambi-baarista Federaalka Mareykanka ee FBI-da ayaa baadi-goobaysa Liban Abdulkadir Sheikh, oo lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa dilka nin iyo dhaawaca haweeney ka badbaadday isku day dil oo ka dhacay magaalada Lakewood ee gobolka Washington sannadkii 2002
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Isbitaalka Shaafi ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu markii ugu horreysay Soomaaliya ka fuliyay qalliin maqal-beeris ah, kaas oo loogu talagalay dadka qaba maqal-la’aanta daran. Qalliinnada ayaa la sameeyay 23-kii Oktoobar 2026, waxaana loo sameeyay laba bukaan oo kala ah wiil 9 jir ah iyo nin 22 jir ah.
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed ayaa xiisad ka dhex abuuray Soomaaliya iyo Kenya, kaddib eedeymo la xiriira Laftagareen oo ku sugan Nairobi.












