• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, January 23, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Puntland iyo Somaliland oo gaaray heshiiyay Taariikhi ah?

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
4 months ago
Reading Time: 2 mins read
Puntland iyo Somaliland oo gaaray heshiiyay Taariikhi ah?
Share

Nairobi – Puntland iyo Somaliland ayaa maanta ku gaaray magaalada Nairobi heshiis taariikhi ah oo ku saabsan iskaashi dhanka amniga, ganacsiga iyo nabadeynta bulshada, ka dib shir socday 4–5 October 2025 oo ay ka qeyb galeen wasiiro iyo saraakiil sare oo ka kala socday labada dhinac.

War-murtiyeed laga soo saaray shirka ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay si wadajir ah uga wada hadleen xaaladda amni, siyaasadeed iyo dhaqaale ee Geeska Afrika, gaar ahaan masaalixda gaarka ah ee labada dhinac ay iska leeyihiin. Waxaa la isku afgartay iskaashi dhow oo ku saabsan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish, la dagaalanka dambiyada badda iyo ka hortagga dambiyada abaabulan ee saameeya danaha amniga iyo dhaqaalaha.

Qodobada heshiiska Puntland iyo Somaliland ka soo baxay ayaa waxaa ka mid ahaa:

1. Iskaashiga amniga – Puntland iyo Somaliland waxay ku heshiiyeen inay si wadajir ah uga hortagaan argagixisada, dambiyada badda iyo falalka sharci-darrada ah ee halista ku ah gobolka.

2. Nabadeynta bulshada – Waxaa la isla gartay muhiimadda nabad kama dambeys ah oo lagu soo afjaro colaaddii Ceerigaabo, iyadoo dadka barakacay lagu booriyay inay si nabad leh ugu soo laabtaan guryahooda. Puntland iyo Somaliland waxay ballanqaadeen taageero buuxda oo lagu xoojinayo gogosha nabadda.

3. Ganacsiga iyo isu socodka bulshada – Labada dhinac ayaa qiray baahida loo qabo in la xoojiyo isu socodka bulshada iyo ganacsiga, lana hirgeliyo kaabayaal dhaqaale oo isku xira.

4. Maamulka hawada – Shirku wuxuu si cad u cambaareeyay siyaasadda ku xad-gudubka badqabka duulimaadyada rayidka ah iyo isticmaalka hawada.

Gunnaanadkii shirka ayaa lagu adkeeyay muhiimadda joogteynta wada shaqeynta, taageerada dadaallada nabadda iyo iskaashiga la dagaalanka argagixisada. Puntland iyo Somaliland ayaa sidoo kale caddeeyay inay diyaar u yihiin wada shaqeyn miro dhal ah oo ay la yeeshaan Beesha Caalamka, si loo xoojiyo nabadda iyo horumarka gobolka.

Heshiiskan ayaa la arkayaa inuu yahay mid taariikhi ah, maadaama uu yahay markii ugu horreysay ee Puntland iyo Somaliland si rasmi ah ugu heshiiyaan iskaashi amni iyo ganacsi, iyadoo dhowaan Puntland ay sidoo kale heshiis siyaasadeed la gashay Jubbaland iyo Madasha Mucaaridka.


Share
Tags: puntlandSomalilandwararka mantawararka somalia
Previous Post

Wadahadalladii Kismaayo ee Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe oo fashil ku dhammaaday, Maxa so kordhay?

Next Post

Wasiirka Gaashandhiga Sweden oo booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho..

Yasmin Jamal

Yasmin Jamal

Yasmiin waa qoraa si joogto ah Wararka24 uga qora wararka deg-dega ah ee marka tagan guud ahaan Soomaaliya iyo Geeska Afrika iyo caalamka.

Related Posts

Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya Oo qirtay In Aan La Jarin Xiriirka Guud Ee Imaaraadka Carabta

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in go’aankii ay dhowaan ku burisay heshiisyada difaaca iyo amniga ee...

Putin Oo kulan kula yeshay Moscow ergayada Mareykanka xili habeenimo damba ah.

Putin Oo kulan kula yeshay Moscow ergayada Mareykanka xili habeenimo damba ah.

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa xalay kulan saacado qaatay xili habeenimo kula yeeshay Moscow, ergayal sare...

Wilkie

Wilkie: Waxaan u maleynayaa putin kama tanaasuli doona arintaan ilaa uu ka dhinto

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Haba yaraatee kalsooni kuma qabo in Putin uu ka tanaasuli doono qodobbo muhiim ah oo ku jira wadahadalladan,...

Fiqi

Fiqi: marnaba kama tanaasulidoona ilaalinta madaxbannaanida dalka somaliyeed

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan marnaba ka tanaasuli doonin...

Guban

DF Soomaaliya Oo Ka Hadashay Dhismaha Maamulka Cusub Ee Guban State

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay ku dhawaaqista maamulka cusub ee Guban State, kaasi oo xildhibaanno...

Xasan Sheekh

UK Oo Farriin U Dirtay Golaha Mustaqbalka somaliyeed Kadib Casuumaadda Xasan Sheekh

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Dowladda Ingiriiska ayaa soo dhoweysay gogosha wadatashi qaran ee uu fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud,...

Load More
Next Post
Wasiirka Gaashandhiga Sweden oo booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho..

Wasiirka Gaashandhiga Sweden oo booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho..

LIVE: Wararki maanta ugu danbeeyey Gaza?

LIVE: Wararki maanta caalamka: Trump oo waayey bilad uu aad u rabay in lasiiyo..?

Kadib dilkii argagaxa

dilkii argagaxa lahaa ee loo geystay Hooyo iyo Carruurteeda oo war cusub kasoo baxay?

Recommended

Xasan Sheekh

Kulanka Xasan Sheekh iyo Mucaaradka: maxa la-filaya manta

7 months ago
Ciidamada Dowladda

Ciidamada Dowladda oo Qarax Lala Beegsaday Duleedka Magalada Qoryooley

8 months ago
UNICEF

UNICEF ayaa sheegatay Wax kabadan 221 oo carruur ah, oo Kuwa Ugu yar da’doodu tahay hal sano, lagu kufsaday Suudaan,

11 months ago
Shabeellaha Dhexe

Shabeellaha Dhexe ayaa lagu arkay Diyaarado drones ah Nooca is Qarxiyo Marki Ugu horeysay + YAA ISKA LEH?

11 months ago
SSC-Khatumo

SSC-Khatumo oo Qabtay Shabakad dadka Tahriibin jirtay,+ Xogta

7 months ago
Sucuudiga oo Dr. Sheekh Saalax Cabdillaahi Al-Fowsaan u magacaabay Muftiga Guud ee Boqortooyada

Sucuudiga oo Dr. Sheekh Saalax Cabdillaahi Al-Fowsaan u magacaabay Muftiga Guud ee Boqortooyada

3 months ago
SSC-Khatumo

Musharaxiinta Madaxweynaha SSC-Khatumo iyo Warbixintii ugu danbeysay.

7 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.